Breaking News
Home » NEWS » Agaasimaha Madaxtooyadda Fahad Yaasiin oo Si lama filaan ah loogu arkay Dalka Qatar (SABAB)
Agaasimaha Madaxtooyadda Fahad Yaasiin oo Si lama filaan ah loogu arkay Dalka Qatar (SABAB)

Agaasimaha Madaxtooyadda Fahad Yaasiin oo Si lama filaan ah loogu arkay Dalka Qatar (SABAB)

Warar goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Agaasimaha cusub ee madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu safar deg deg ah ku gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar.

Socdaalka Fahad ayaa ku saabsan kulamo uu la yeelanayo madaxda dalka Qatar iyo xil wareejin ku saabsan shaqadii uu ka hayay Telefishanka Aljazeera ee xaruntiisu tahay dalka Qatar.
Safarka Agaasimaha cusub ee madaxtooyada oo lagu dhawaaqay 31-kii Bisha May ayaa imaanaya iyadoo uu magacaaban yahay muddo hal maalin ah, waxaana warar hore u soo baxay ay sheegayeen in dowladda Qatar ay kaalin weyn ku leedahay in xilkan loo magacaabo Fahad Yaasiin.
Dowladda Qatar ayaa kaalin weyn ka qaadaneysa iney taageerto dowladda Soomaaliya waxaana dhawaan la sheegay iney wadahadal siineyso AlShabaab iyo dowladda Soomaaliya