Breaking News
Home » NEWS » Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabit : Waxaan ahey reer Galmudug
Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabit : Waxaan ahey reer Galmudug

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabit : Waxaan ahey reer Galmudug

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa Khudbadii uu ka jeediyay xafladii caleemo saarka madaxweynaha Galmudug, waxaa uu kaga hadlay arimo dhowr ah.

” Aniga marna reer Galmudug ayaan ahay, marna waxaan metelaya Caasimadii Soomaaliya oo ku metelayo dhamaan Soomaalida oo dhan, waxaan hambalyo idiinka sidaa reer Banaadir”ayuu yiri Gudoomiye Taabit.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Gudoomiye Taabid yiri “Waxaan idinkula dardarmaaya waxa tihiin dad nabad iyo colaad yaqaana, marka nabad ku noolaada , ka tirtira deegaanka burcad badeeda iyo alshabaab. dib u heshiisiintana ka shaqeya”.
Duqa  Muqdisho ayaa casuumaad usameeyay madaxweynaha Galmudug” Waxaan casumaad u fidinaya Madaxweynaha Galmudug in uu nagu soo boqodo Gobolka Banaadir, marka ugu horeysa ee uu awoodo”.