Breaking News
Home » NEWS » Dagaal culus oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho
Dagaal culus oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Dagaal culus oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka aan ka heleyno Degmada Dharkenley ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaas uu ka dhacay Dagaal aad u culus oo sababay Khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowlada Federaalka gaar ahaa kuwa Ilaalada Deegaanka Xamar kuwaas oo isku qabtay Lacag canshuur ah.

Inta la xaqiijiyay Hal askari oo magaciisa lagu soo koobay Nuur Calaa Nuur ayaa geeriyooday Mid kalana dhaawac ayaa soo gaaray oo ka mid ahaa Askartii dagaalka uu dhax maray.

Xaalada Goobtii lagu dagaalamay ayaa hadda degan waxaana goobta gaaray Ciidamo kale oo ka tirsan Kuwa Dowlada Federaalka kuwaa oo kala dhax galay Ciidamadii Dagaalamay, Maamulka Degmada Dharkenley weli kama uusan hadlin dagaalkaas.