Breaking News
Home » NEWS » Maamulka Gobolka Banaadir oo Amar dul dhigay Shirkaddaha Korontada
Maamulka Gobolka Banaadir oo Amar dul dhigay Shirkaddaha Korontada

Maamulka Gobolka Banaadir oo Amar dul dhigay Shirkaddaha Korontada

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Shirkaddaha Bixiya Korontada ku Amray in korontada ay gelinayaan Suuqa Bakaaraha in ay soo marsiiyaan dhulka hoostiisa.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo maanta tagay Suuqa Bakaaraha oo dhawaan qeyb ka mid ah uu dab qabsaday ayaa waxaa uu sheegay in aan la aqbali doonin Shirkadaha Korontada ay Suuqa Geliyaan Koronto Kor laga keenay , waxaana uu sheegay in laga doonaayo in ay soo marsiiyaan dhulka Hoostiisa.

Sidoo kale waxaa uu xusay in Ganacsatada laga doonaayo in ay furaan wadooyinka xiran si loo badbaadiyo hadii uu suuqa dab ka kaco.

Inta badan dabka ka kaca Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ay la sheegaya in ay sababto Koronto.

Dhawaan ayaa Dab khasaare badan geystay waxaa uu ka kacay Suuqa Khaliifa.