Breaking News
Home » NEWS » Zlatan Ibrahimovic oo gacantiisa ku hubsadey Koobta EFL ee wadanka Ingiriiska
Zlatan Ibrahimovic oo gacantiisa ku hubsadey Koobta EFL ee wadanka Ingiriiska

Zlatan Ibrahimovic oo gacantiisa ku hubsadey Koobta EFL ee wadanka Ingiriiska

Tababare Jose Mourinho ayaa koobkiisii ugu horeeyay Manchester United kula guulaystay kaas oo aas aas u noqon doona waqti dheer oo uu doonayo in uu magiciisa ku qoro taariikhda Old Traffrod. Inkasta oo uu Mourinho bilawgii xili ciyaareedkan uu Red Devils la qaaday Community Shieldka, haddana kaasi ma aha koob u xisaabsan macalinka ree Portugal wuxuuna Leauqe Cupka ka dhiganayaa bar bilawgii uu magiciisa ugu badali lahaa dhibaatadii United soo haysatay tan iyo markii uu Sir Alex Ferguson ka hawl gabay sanadkii 2013 kii.

Marka aan doono koob ayaan ku guulaysataa ayuu Ibrahimovic si aan isdhibayn u sheegay markii uu xili danbe kooxdiisa Man United ka caawiyay goolkii ay guusha ku gaadhay wuxuuna isna taariikhda Man United uu ku galay muddo kooban oo aan sanad gaadhin. Haddaba halkan kaga bogo qiimaynta ciyaartoydii labada kooxood ee kulankii xiisaha badnaa iyada oo darajada ugu saraysaa ay tahay 10.

XIDIGII GAROONKA: Zlatan Ibrahimovic oo kulankan go’aamiyay ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa laakin waxa uu dirqi kaga baxsaday Manolo Gabbiadini oo isna kulankan laba gool ka dhaliyay, wuxuuna Ibrahimovic abaal marintan ku helay in uu noqday xidiga koobka loo dagaalmayay go’aamiyay.

Laakiin Martial, Smalling, Rojo iyo Paul Pogba ayaa kulankan ka helay qiimayntii ugu lidatay ee labada kooxood iyaga oo 10 kii darajo ee ugu sareeyay ka helay min 5.5 kaliya. Ma jiro hal ciyaartoy oo Southampton ah oo ay qiimayntiisu ka hoosayso 6 waana sababta ayna uga seexan doonin in ay koobkii Leaque Cupka ee ay wax kasta u bixiyeen u waayeen saamaynta Ibrahimovic.

 

QI