Breaking News
Home » dhacdo » Magaalada Muqdisho oo qaadi la’ Qaxootiga dib wadanka loogu soo celinaayo
Magaalada Muqdisho oo qaadi la’ Qaxootiga dib wadanka loogu soo celinaayo

Magaalada Muqdisho oo qaadi la’ Qaxootiga dib wadanka loogu soo celinaayo

Waxaa maanta garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad siday qaxooti Soomaaliyeed oo mudo sanado ah kunoolaa dalka Jabuuti, kuwaa oo hada dalkooda dib loogu soo celiyay.

Qaxootigan Soomaaliyeed ee maanta soo gaaray Muqdidsho ayaa ka koobnaa 28-qoys, waxa ayna dadkan si iskood ah u go’aansadeen in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda ay mudo sanado ah ka maqnaayeen.

Dadkan Qaxootiga ah ee soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa gaarayay 60-qof, waxaana garoon ka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xubno kamid ah gudiga arimaha qaxootiga iyo barakacaayasha Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay kusoo laabanayay qaxooti Soomaaliyeed oo kunoolaa wadamada dariska iyo wadamo kale kuwaa oo aaminay in ku nolaanshaha dalkooda uu xiligan ka wanaagsan yahay wadamadii ay horey ugu qaxeen.