Breaking News
Home » NEWS » Gudoomiyaha Aqalka Sare oo ka hadlay Maqaamka Gobolka Banaadir Aqalka Sare
Gudoomiyaha Aqalka Sare oo ka hadlay Maqaamka Gobolka Banaadir Aqalka Sare

Gudoomiyaha Aqalka Sare oo ka hadlay Maqaamka Gobolka Banaadir Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Somaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Gobolka Banaadir uusan matalaad ku lahayn Aqalka Sare ee Somaaliya.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Somaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi in hadii ay yihiin Xubnaha aqalka Sare ay ku dadaali doonaan sidii loo cadeyn lahaa Maqaamka gobolka banaadir, oo hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga ay ku guuldarsteen in ay cadeeyaan.

Dastuurka KMG,ah ayaa qoraya in Xildhibaannada Aqalka Sare ay noqdaan 54 xubnood oo ka kala imaanaya 18-ka Gobol ee dalka oo uu Gobolkiiba ku leeyahay 3 xubnood.

Maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa Aqalka Sare ka helay min 11 xubnood iyada oo Galmudug ay heshay 8,halka Maamul Goboleedyada kale ee Koofur Galbeed,Hirshabeelle iyo Jubbaland ay heleen min 8 xubnood oo kale.

Dhanka kale Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Somaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ka hadlay hadal heynta ku aadan cida noqonaysa Ku-simaha Madaxweynaha dalka haduu madaxweynaha Soomaliya dalka ka maqan yahay,waxa uuna sheegay in ku simaha uu ahaanayo Guddoonka Golaha shacabka Somaliyed,Aqalka sarena uu yahay hannaan ku cusub dowladnimada Somaliya.