Breaking News
Home » NEWS » DHAGEYSO Afhayeenka Al-Shabaab : Madaxweyne Farmaajo & Xasan Sheekh oo isku mid
DHAGEYSO Afhayeenka Al-Shabaab : Madaxweyne Farmaajo & Xasan Sheekh oo isku mid

DHAGEYSO Afhayeenka Al-Shabaab : Madaxweyne Farmaajo & Xasan Sheekh oo isku mid

 

Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage “Cali dheere” ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Mowqifkooda Dowlada Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Cali Dheere waxaa uu sheegay in aysan waxba is dhaamin Madaxweynihii Hore ee Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Hadda la doortay islmarkaana ay sii wadayaan dagaalka.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAAL-KA

Waxaa uu dhanka kale Cali Dheere digniin u diray Ciidamada iyo Dad uu sheegay in ay la shaqeyaan Dowlada isagoona hoosta ka xariiqay in ay bartil-maameed ay ka dhigan doonaan.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay la dagaalami doonaan Dowlada Cusub si la mid ah Dowladii tan ka horeysay ee uu hogaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.