Breaking News
Home » NEWS » Dabkii ka kacay Bakaaraha oo lagu guuleystay in la damiyo iyo Farmaajo oo soo booqanaayo halkaasi
Dabkii ka kacay Bakaaraha oo lagu guuleystay in la damiyo iyo Farmaajo oo soo booqanaayo halkaasi

Dabkii ka kacay Bakaaraha oo lagu guuleystay in la damiyo iyo Farmaajo oo soo booqanaayo halkaasi

Dab damiska gobolka Banaadir ayaa goor dhow xaqiijiyay in guud ahaan la damiyay dabkii Saaka Aroortii ka kacay Suuqa weyn ee Bakaaraha , islamarkaana ay ku dhinteen 2 qof halka sidoo kale uu ku dhaawacmay 1 qof.

Dab damiska gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in Hanti aad u fara badan ay ku Baaba’day dabkii Bakaaraha.

Suuqa Khaliifa iyo sidoo kale guryaha ku dhow ayaa dhammaan Burburay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xubno la socday ayaa gaaray goobta dabka uu ka kacay, halkaasi oo ay indhahooda ku soo arkeen sida xaalada ay tahay.
Sidoo kale waxaa tagay Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan goobta dabka uu ka kacay Taliyaha Nabad Suggida iyo Taliyaha Booliska, waxayna Saxaafadda u sheegeen in Madaxweynaha uu soo amray inay halkaasi tagaan shacabkana ay la qaybsadaan dhibaatada.