Breaking News
Home » NEWS » Siyaasiga Salaad Cali jeele : Musuqmaasaqa dalka waxaa ka dambeeya Kooxda DamJadiid
Siyaasiga Salaad Cali jeele : Musuqmaasaqa dalka waxaa ka dambeeya Kooxda DamJadiid

Siyaasiga Salaad Cali jeele : Musuqmaasaqa dalka waxaa ka dambeeya Kooxda DamJadiid

Siyaasiga  Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu diyaarsaday Dhalinyaro Gabdho iyo Wiilalba leh  oo uu ka dhigay Xildhibaanno si ay ugu codeeyaan Doorashooyinka Madaxtinimo ee dhawaan la filayo in dalka ay ka qabsoomaan.

Waxa  uu Carabka ku adkeeyay Siyaasiga Salaad Cali Jeelle in sanadkii 2012 Koox Diimeedka Damu jadiid xubnahooda ay ahaayeen 15 qof kaliya balse hatan ay sii caga cageynayaan 78  Xubnood.

Dhinaca kale Salaad Cali Jeelle ayaa ku nuux nuuxsaday in dhibaatada ragaadisay Dalka ay wada saameysay dhammaan qeybaha Bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu cadeeyay Siyaasigu in dhaqaalaha dalka uu leeyahay lagu wareejiyo Shirkado gaar looleeyahay oo sahli karo in gacmo qaldan ay ku dhacaan dhaqaalahaasi.

Arrintaas ayuu cod dheer ku sheegay in uu Masuul ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Afartii sano ee la soo dhaafay dalka hoggaaminayay lana sheego in uu ku fashilmay howlihii loo igmaday ayaa mar kale doonaya in dib dalka uu u hoggaamiyo.