Breaking News
Home » NEWS » Musharaxa Madaxweyne C/qaadir Cosoble oo qado ugu sameeyay Xildhibaanada Hirshabeele
Musharaxa Madaxweyne C/qaadir Cosoble oo qado ugu sameeyay Xildhibaanada Hirshabeele

Musharaxa Madaxweyne C/qaadir Cosoble oo qado ugu sameeyay Xildhibaanada Hirshabeele

Musharaxa Madaxweynaha C/qaadir Cosoble Cali ayaa shalay qado ugu sameeyay magaalada Muqdisho Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay Hirshabeelle, iyadoo kulankan uu qeyb ka ahaa kulamada Musharaxu la qaadanayay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Kulankan ayaa ku bilowday xog is weydaarsi iyo kaftan siyaasadeed, maadaama xubnaha labada aqal iyo Musharaxa ay ahaayeen kuwo laga soo doortay deegaanada Hirshabeelle.

Qaar ka mid ah Xildhibaannadii ka hadlay kulanka qadada ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin munaasabada qadada uu u sameeyay Musharax C/qaadir Cosoble, waxaana ay taageereen Musharaxnimadiisa.

Musharax C/qaadir Cosoble ayaa ka codsaday Xildhibaanada labada Aqal in codkooda siiyaan, maadaama uu yahay Musharaxooda, lagana soo doortay deegaanada Hirshabeelle.

Xildhibaan Cosoble ayaa u gudbiyay qorshihiisa siyaasadeed hadii uu ku guuleysto xilka, waxaana Xildhibaannadii labada Aqal ay ku qanceen barnaamijkiisa siyaasadeed ee ku wajahan Madaxtinimada dalka.

Musharax Madaxweyne C/qaadir Cosoble Cali ayaa ka mid ah saddexda Musharax ee ugu cad cad xilka Madaxweynaha, waxaa maalmahan uu ka waday magaalada Muqdisho kulamo uu ku xoojinayay ololihiisa doorashada.

osobleosoble1osoble3osoble4osoble5osoble6