Breaking News
Home » NEWS » Axmed Daaci : Musuqmaasuqa Doorashooyinka waxaa ka dambeeya Guddiga Doorashooyinka.
Axmed Daaci : Musuqmaasuqa Doorashooyinka waxaa ka dambeeya Guddiga Doorashooyinka.

Axmed Daaci : Musuqmaasuqa Doorashooyinka waxaa ka dambeeya Guddiga Doorashooyinka.

Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir Axmed Xasan Cadow ( Axmed Daaci) haatanna ah mid ka mid ah Siyaasiyiinta Madax banaan oo Wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in uu goob joog u ahaa Musuqmaasuqii ugu weynaa ee ka dhacay Doorashooyinka Magaalada Jowhar.

Doorashadaas ayaa ahayd sida uu sheegay Axmed Daaci midi uu ku soo baxay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux.

Waxa uu sheegay in Nuux uu Qas ka billaabay Hoolka Doorashooyinka Magaalada Jowhar taas oo sababtay in dad badan ay dhintaan kuwa kalana ay dhaawacmaan.

Waxaana maalmo kadib Gabar si weyn  looga shakiyay  xittaa Heyb ahaanteeda isagoo la tartamaya uu ku guuleystay Doorashooyinka Aqalka Hoose.

Eedeymahaas ayuu cadeeyay Axmed Daaci in ay Masuuliyadeed  ay qaadanayaan Guddiga Doorashooyinka Dadban.

“ Ergada dooratay Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha waa kuwa isagu geystay hoolka doorashada waxaana sharci ahayd in Ergo aanu diiwaan gelin Guddiga Doorashooyinka aysan wax dooran karin” ayuu yiri Axmed Daaci.

Ugu dambeyn waxa uu Rajo xumo ka muujiyay Siyaasigu in Doorashada Soomaaliya ay ku qabsoonto waxqtiga loo asteeyay ee 28 ka bishaan.