Breaking News
Home » NEWS » Keating oo si lama Filaan ah Uweeraray Xasan Sheekh siyaasadiida ku aadan Doorashada
Keating oo si lama Filaan ah Uweeraray Xasan Sheekh siyaasadiida ku aadan Doorashada

Keating oo si lama Filaan ah Uweeraray Xasan Sheekh siyaasadiida ku aadan Doorashada

Qaramada Midoobay ayaa niyad xumo  ka muujisay dib u dhaca mar kale ku yimid doorashada madaxweyne iyo midda baarlamaan ee Soomaaliya, waxayna sheegeen inay muuqaneyso rajo ah inay qabsoonto doorasho ku dhacda si caddaalad ah oo la aqbali karo.

Wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay ee Soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay in qaramada midoobay ay ka walaacsan tahay dib u dhaca doorashada.

“Dib u dhaca hadda yimid wuxuu keenayaa cabsi badan, aan labo ka magacaabo, in geeddi socodkan uu yahay mid qaabsiyaasadeysan loo maamulay iyo in dib u dhacan uu yahay mid ka mid ah dib u dhacyo is xigxigay oo horay u dhacay”  ayuu yiri M r keating isagoo intaas ku daray in la sii wado qaabkii ay u dhici lahayd doorasho si cad oo la wada arki karo u dhacda lagana faa’iideysto waqtiga dheeriga ah ee la haysto.

Isniintii ayaa guddiga doorashada ay ku dhawaaqeen inay dib u dhigayaan doorashooyinka lana gaarsiinayo bisha October illa bisha November sababa dhinaca ammaanka la xiriira dartood iyo dhibaatooyinka dhinaca maamulka ah.

Cumar Maxamed Cabdulle, oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegay in doorashda madaxtinimo ee dib loo dhigay ay dhici doonto 30 bisha November halka doorashada baarlamankana ay dhici doonto 23-ka bisha October illaa 10-ka November iyadoo doorashada madaxweyneynaha markii hore lagu waday inay dhacdo bishii August.

Soomaaliya oo lagu waday inay ka qabsoomaan sanadkaan doorashooyin qaran ayaan weli ku guuleysan inay suuratgeliso doorasho dadka Soomaaliyeed dhammaantood ay ka wada qeybqaataan.