Breaking News
Home » NEWS » Galmudug oo xertey Garoonka Cabdullahi Yuusuf ayagoo u digey Diyaaradaha ka shaqeeya dalka
Galmudug oo xertey Garoonka Cabdullahi Yuusuf ayagoo u digey Diyaaradaha ka shaqeeya dalka

Galmudug oo xertey Garoonka Cabdullahi Yuusuf ayagoo u digey Diyaaradaha ka shaqeeya dalka

Masuuliyiintan Galmudug ayaa sheegay in garoonkaas laga bilaabo haatan xiranyahay lana isticmaali karin waxaana ugu baaqeyn ciidamada Mareekanka ee halkaas kusugan iyo waliba kuwa Puntland isaga guuraan halkaas.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Mareykanku sheegtay inuu weerar ku dilay 9 ka tirsan kooxda Alshabaab oo ku sugnaa duleedka Gaalkacyo. Arrintan ayaa xiisad ba’an ka dhalisay degaanada Puntland.

Amarka ay Galmudug ku xiray garoonka Gaalkacyo ayaa loogu digay diyaaradaha inay u soo dhowaan garoonkaasi. Arrintan ayaa uga sii dareysa xaaladda kacsan ee ka dhex oogan Puntland iyo Galmudug.

Dhinaca kale bannaanbaxyo looga horjeedo Mareykanka ayaa ayaa ka dhacay degaanada Galmudug, iyadoo lagu gubay calanka Mareykanka.