Breaking News
Home » NEWS » Diyaarado duqeeyey xarun ay leeyihiin Ciidamada Maamul Goboleedka Galmudug
Diyaarado duqeeyey xarun ay leeyihiin Ciidamada Maamul Goboleedka Galmudug

Diyaarado duqeeyey xarun ay leeyihiin Ciidamada Maamul Goboleedka Galmudug

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in diyaarado  laga leeyahay dalka Mareykanka ay duqeeyeen Saldhig ay Ciidamada Dowlad Goboleedka Galmudug ay ku lahaayeen Deegaanka Jeexdin ee duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta  Gobolka Mudug.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Galmudug oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay  in diyaarado dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Mareykanka ee Saldhiga ku leh Garoonka Diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo dhanka Puntland ay duqeeyeen Deegaanka Jeexdin ee duleedka Magaalada Gaalkacyo oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka Tirsan kuwa Galmudug.

10-askari oo ka Tirsanaa Ciidamada Mamulka Galmudug ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Duqeynta ka dhacday Deegaanka Jeexdin ee duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta  Gobolka Mudug.

Dhanka kale Maamulka Puntland ayaa sheegay in weerar qorshaysan oo deegaanka jeexdin lagu qaaday lagu laayay askar ka Tirsan Xarakada Al-shabaab oo maalmihii dambe isku aruursanaayay deegaanka.