Breaking News
Home » NEWS » Aflagaado Ka dhacday Garowe & R.W CCC oo lagu qasbey inuu ka hadlo Arinta Badda (Maqal)
Aflagaado Ka dhacday Garowe & R.W CCC oo lagu qasbey inuu ka hadlo Arinta Badda (Maqal)

Aflagaado Ka dhacday Garowe & R.W CCC oo lagu qasbey inuu ka hadlo Arinta Badda (Maqal)

Buuq iyo Aflagaado ayaa laga dhex maqlay maanta xilli Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid si kooban wariyeyaasha ula hadlayey Markii uu tagey Magaalada Garowe Ee Xarunta Puntland.

Qeybta Paratakoolka R/wasaaraha ayaa si aan wanaagsaneyn ula hadlay wariyeyaasha Shirka jaraa’id kusugnaa iyadoo Cumar C/rashiid uu meesha taagnaa.

R/W Sharma’arke ayaa iska diiday inuu wax faah faahin ah ka bixiyo Heshiiskii la sheegay in Xukuumadiisa gashay Muranka Badda Ee Sanadkii 2009-kii Heshiiskii MOU Ee Kenya la galeen.

HALKAAN RIIX SI AAD UDHAGEYSATO CODKA

Waxa uu sheegay R/wasaare Sharma’arke in Jeexitaanka Badda Ee Kenya ay ka horeysay Sanadkii 2009-kii Heshiiskii la galay ayna arinta soo bilaabatay Sanadkii 2005-tii sida uu yiri.

Cumar C/rashiid oo ka mid ah Eedeynta loo jeediyey Mas’uuliyiintii gashay Heshiiskii MOU ayaa sheegay in si laga bad badiyey loo dhigay Muranka Badda uunka iska fogeeyey in dembi uu ku lug yeeshay ay tahay arinta hadda Maxkamada Cadaalada hortaalla Ee Hegue.