Breaking News
Home » NEWS » South Africa : Guryo Soomaali ay degan yihiin oo dad la qabadsiiyey
South Africa : Guryo Soomaali ay degan yihiin oo dad la qabadsiiyey

South Africa : Guryo Soomaali ay degan yihiin oo dad la qabadsiiyey

Dab Xoogan ayaa xalay waxa uu ka kacay Xaafadda ay ku badan yihiin Soomaalida oo ku talla dalka Koofur Africa.

Sida dad ku sugan dalka Koofur Africa u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho Xaafad inta badan ay Soomaalidu degto oo ku taalla Magaalada Cape-Town ayaa waxaa qabsaday Dab baaxad leh.

Waxaana dabkaas uu ka dhashay Koronto , iyadoona la sheegay in ay ku basbeeleen illaa 3 Guri oo dadka Soomaalida ah ay degenaayeen.

Xalay Saqdii dhexe ayaana lagu guuleystay in gebi ahaan la damiyo Dabkaasi Xoogan sida Soomaali ku sugan meesha wax ka dhaceen ay Shabelle u xaqiijiyeen.