Breaking News
Home » NEWS » Lacagta lakala baxey Baankiga dhexe oo gacan ku yeesheyn madaxda ugu sareeysa DFS
Lacagta lakala baxey Baankiga dhexe oo gacan ku yeesheyn madaxda ugu sareeysa DFS

Lacagta lakala baxey Baankiga dhexe oo gacan ku yeesheyn madaxda ugu sareeysa DFS

Dabagal dheer oo lagu sameysay Lacagihii laga dhacay Bangiga Soomaaliya 3-dii bilood ee lasoo dhaafay, kuwaas oo lagu shubtay Xisaab Madaxda dawladda Soomaaliya uga furan Bangiyada gudaha Soomaaliya ka jira.

Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha waxaa la cadeeyey in ay lacago kala duwan ku shubteen Account- u gaar ah, oo aan aheyn Khasnada dawladda Faderaalka.

Guddiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in lacagta laga xaday Bankiga Dhexe ay ka badan tahay inta uu shaaciyay Guddoomiyaha Bankiga Bashiir Ciise Cali.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka ayaa laga soo xigtay in lacagta ay aad uga badan tahay inta uu shaaciyay Guddoomiyaha Bankiga, ayna wadaan baaritaan ku saabsan sida wax u dhaceen.

Lacagta la shaaciyay in laga xaday Bankiga Dhexe ayaa lagu sheegay 530,000 $, waxaana jira warar ka badaniya lacagta hal Milyan oo doolar.