Breaking News
Home » NEWS » Kooxda Chelsea oo hogaanka u qabatey horyaalka Ingiriiska
Kooxda Chelsea oo hogaanka u qabatey horyaalka Ingiriiska

Kooxda Chelsea oo hogaanka u qabatey horyaalka Ingiriiska

Marcus Rashford ayaa dhaliyay goolka guusha waqtigii dhimashada kulankii kooxdiisa 1-0 kaga badiyeen Hull City caawa.

Waxaa ay umuuqatay ciyaartii ka dhaceysa garoonka Stadium KCOM mid barbaro lagu celin karay kooxda Jose Mourinho ka hor inta ninka bedelka kusoo galay ee Rashford uusan dhalin daqiiqadii 92aad gool uu ka caawiyay Wayne Rooney.

 United ayaa sameysay kulankan 29 darbo halka sideed kaliya ay laahaayeen kooxda martida loo ahaa kulankaan, Zlatan Ibrahimovic, Paul Pogba, Rooney iyo Rashford ayaa dhamaan isku dayo wanaagsan sameeyay inta ciyaartu soctay.

Manchester United ayaa hadda Horyaalka badisay sadexda kulan ee ugu horeeyay, tasoo muujineysa awooda ay leedahay sanadkaan.

Dhinaca kale Eden Hazard ayaa Chelsea u sahlay in ay gaarto guusheedii saddexaad oo isku xigta Premier League iyadoo Antonio Conte uu sii wato bandhigiisa 100 boqolkiiba ah ee uu ku qaadanayo Xili ciyaareedkaan Horyaalka.

Burnley oo ku sugneyd Stamford Bridge waxaa ka dhaliyay goolasha kale xiddiga reer Brazil ee Willian iyo Ciyaaryahanka Nageria Victor Moses.

Guud ahaan ciyaartaan ayaa kusoo dhamaatay 3-0, waxaana ku badisay kooxda Chelsea

Chelsea's Eden Hazard celebrates scoring their first goal

Natiijooyinka kulamada Kale

Manchester United 1 – o Hull

Chelsea 3-0 Burnley

Crystal Palace 1-1 Bournemouth

Everton 1-0 Stoke City

Leicester City 2-1 Swansea

Southampton 1-1 Sunderland

Watford 1-3 Arsenal