Breaking News
Home » NEWS » Gaafoow & Madaale : Warqada dhalashada Gobolka Banaadir qof kasta ayaa qaadan karo- waa fursad yey ku dhaafin
Gaafoow & Madaale : Warqada dhalashada Gobolka Banaadir qof kasta ayaa qaadan karo- waa fursad yey ku dhaafin

Gaafoow & Madaale : Warqada dhalashada Gobolka Banaadir qof kasta ayaa qaadan karo- waa fursad yey ku dhaafin

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) Taliyaha Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka   sareeyo gaas  Cabdulaahi Gaafow Maxamud,  Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyed   Bashiir Maxamed Jaamac,Taliyaha qeybta guud ee gobalka Banaadir ciidanka booliiska Soomaaliyed Bishaar Abshir Geed,  ayaa si wadajir ah xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar waxey ku qabteen Shir jaraa’id oo ay ugu hadlaayen qaadashada kaarka aqoonsiga ee dowlada hoose ee Banaadir.

Taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka qaranka  Soomaliya   sareeyo gaas Cabdulaahi Gaafow Maxamuud ayaa ugu horeyn warbaahinta u akhriyay amarka ka soo baxay hey’adaha ammaanka dowlada iyo maamulka gobalka Banaadir

Taliyaha Nabad Sugida  Janeral Cabdulaahi Gaafow Maxamud  ayaa  sidoo kale sheegay in  hey’adaha amaanka ay talaaba ka qaadi doonan muwaadinkii aan qaadanin kaarka dhalashada dowlada ee Xamar. ( Gobol dadkiisa la barakiciyey oo waxkasta laga sameeysanayo ).

Sareeyo gaas C/laahi Gaafow Maxamuud taliyaha hey’adda NISA ayaa sheegay in u jeedada amarkan ay tahay xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho ( Gaafoow miyuusan xukumin Marka oo amaankeeda faraha ka baxey )

“Qofka aan heysan warqada aqoonsiga ma dhoofi karyo adeegyada uu u baahan yahay looma fulin karo wadooyinka kama gudbi karo, goobaha ganacsiga ayaa la fareyaa in aysan la ma macaamili karin,” ayuu yiri Gaafow. ( waa wareey waa wax aan weli ma maqlin amarkaan Soomaali maskaxdeeda kama imaanin )

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xusen Jimcaale Madaale  waxa uu dhankiisa sheegay  in dowlada hoose ee Xamar ay bulshada Soomaaliyed u fududeyn doonto qaadashada kaarka aqoonsiga. (  Waxaan u baahanahay oo kaliya waa lacag qof kasta teesaraha wuu qaadan karaa –waa fursad )

“Anaga diyaar ayaan u nahay fulinta amarka bulshadana waxaa la codsaneynaa in ay u hogaan amarka ilaa afar degmo ayaa ka sameyso xarumo laga qaato,” ayuu yiri mudane Jimcaale.

Talaabadaan ayaa noqoneeyso mid laga soo horjeesto oo shacabka lagu boobaayo lana handadaayo, hadii daacad ka tahay Amniga waa in loo simaa dhamaan gobolada ay heeysato Dowlada.

Sharcigaan kama jiro Shabeelaha dhexe, shabeelaha hoose, bay, bakool, gedo. labada jubo, hiiraan, galgaduud, mudug, maxaa loo dhibayaa shacabka Muqdisho oo hantidooda ay dowlada ku kabaan.

Gobolka banaadir ayaa ah qobolka kaliye ee loo diidan yahay in Maamul- goboleed uu sameeysto ama iskiis isku maamulo loona diidey iney la mid noqdaan gobolada kale kuwaas oo loo ogolaadey in ay ka taliyaan mustaqbalka soomaaliya.

13908847_1746962622209156_2237676426317981649_o 13908961_1746962575542494_2323692111025859290_o 13926022_1746962678875817_4075479616750696051_o 13937734_1746962732209145_1716657268648535801_o