Breaking News
Home » NEWS » Daawo: Bur burkada Qaraxyadii saaka u geysteen Garoonka Aadan Cadde
Daawo: Bur burkada Qaraxyadii saaka u geysteen Garoonka Aadan Cadde

Daawo: Bur burkada Qaraxyadii saaka u geysteen Garoonka Aadan Cadde

Qaraxyadii saaka ka dhacay agagaarka garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxay khasaare nafeed iyo burbur ka geysteen gudaha garoonkaas.

Qaraxyadan oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay meelo isku dhow oo aan ka fogeyn garoonka aadan Cadde iyo xarunta AMISOM ee Xalane.

Daryankii xooganaa ee qaraxyadan oo aad u cuslaa ayaa sababay inuu soo dumo qeybo ka mid ah terminalkii cusbaa ee dowlada Turkigu ku kordhisay garoonka.

Waxaa sidoo kale qaraxyadan ay saameeyeen korontada iyo qadka internetka ee garoonka dayuuradaha oo muddo kooban shaqeyn waayey inkastoo markii dambe dib loo soo celiyey.

Meelaha uu burburku soo gaaray ayaa waxaa ka mid ah maqaayad laga cunteeyo, qeybta VIP-da ee madaxdu ku nastaan iyo xafiisyo badan oo terminalka ku dhex yaalla.

Burburka muraayado soo daatay, biro iyo waxyaabo kale jugta qaraxyadu soo dumiyeen ayaa lagu arkay gudaha terminalka cusub, iyadoo shaqaalaha iyo dadkii kale ee ku sugnaa goobtaas ay sheegeen iney u malaynayeen qaraxyadu iney ka dhaceen gudaha garoonka xoogga ay lahaayeen awgeed.

Saraakiil ka tirsan garoonka Aadan cadde ayaa Allbanaadir u xaqiijiyey iney gudaha terminalka ku dhaawacmeen labo ruux oo ka tirsanaa ciidamada amaanka ee ku shaqada leh baaritaanada kuwaasoo kala ahaa nin iyo qof dumar ah.

Wararka ayaa sheegaya in ninka dhaawacmay uu ka jabay lugta midig halka haweeneydana qeybo ka mid ah jirkeeda uu ka muuqday dhiig, waxaana dhaawacyadan soo gaarsiiyey muraayadihii iyo waxyaabihii soo dumay qaarkood oo dushooda ku habsaday, iyadoo loola cararay goobaha caafimaadka.

Shirkadda Favori ee maamusha garoonka dayuuradaha Aadan cadde ayaa la sheegay iney bilowday dayactir iyo dib u habeyn lagu sameynayo meelaha soo dumay, waxaana garoonka si weyn looga hadal hayaa burburka gaaray terminalka cusub.

Sidoo kale burbur kan la mid ah ayey wararku sheegayaan in jugta qaraxyadan ay soo gaarsiiyeen xafiisyo iyo dhismayaal ku yaala gudaha xarunta AMISOM ee Xalane, halkaasoo sidoo kale ay degan yihiin safaarado, shirkado ajnabi ah iyo heyaddo kale.

okq

amisom2 (2)

burbu1

burbu2

burbu3

terminalka