Breaking News
Home » NEWS » Wararkii ugu dambeeyey Hotelka Ambaasadoor iyadoo dhimahada sii kordheeyso
Wararkii ugu dambeeyey Hotelka Ambaasadoor iyadoo dhimahada sii kordheeyso

Wararkii ugu dambeeyey Hotelka Ambaasadoor iyadoo dhimahada sii kordheeyso

Rasaas culus iyo qaraxyo ayaa wali laga maqlayaa gudaha Hotelka Ambassador, halkaasoo galabta dabley ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen.

Howl galka ka socda Hotelka ayaa socda muddo shan saac ku dhow, iyadoo ugu yaraan labo dabley la rumeysan yahay inay gudaha hotelka ku jiraan.

Saraakiisha Amniga ayaa sheegaya in gebi ahaanba ciidamada ay hotelka hareereeyeen, isla markaana ay la wareegeen afar ka mid ah shanta dabaq ee uu ka kooban yahay dhismaha Hotelka.

Ciidamada Ammaanka ayaa goor sii horeysay soo bad baadiyay Garyaqaanka guud ee dalka Dr Cusmaan iyo dad kale.

Dadka degan degmooyinka Waabari iyo Hodan ayaa sheegaya in rasaas culus wali ay maqlayaan iyo sawaxanka jug loo maleynayo qaraxyo.

Xaalka Hotelka ayaa adkeeyay korontada oo ka go’an, iyadoo hotelka iyo hareerihiisa uu yahay mid mugdi ah, isla markaana ay adag tahay in la kala garto dadka gudaha ku jira.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in wali dagaalyahanadooda ay ka dhex dagaalamayaan gudaha Hotelka, isla markaana ay gacanta ku hayaan qeybo ka mid ah hotelka.

Wasaaradda Amniga ayaa uga digtay dadka inay ka ag-dhowaadaan goobaha ay yaalaan baabuurta ee ku dhow Hotelka, taasoo laga yaabo in qaraxyo ay ku raran yihiin.

Xajmiga uu lahaa Qaraxii galabta ayaa dadka waxay ku tilmaameen inuu la mid yahay qaraxii bishii Febraayo ee agagaarka Hotel SYL iyo qaraxii Hotel Jazeera ee sanadkii hore, waxaana qaraxa uu bur buriyay qeyb ka mid ah Hotelka Ambassador iyo dhismayaal ganacsi ka ag dhowaa.

In ka badan 10-ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarka oo ay ku jiraan labo Xildhibaan, halka sodomeeyo kalena ku dhaawacmeen, waxaana laga cabsi qabaa in tirada ay intaas ka badato.

Dadka ku dhintay weerarka hotelka ayaa waxaa ku jira C/xamiid Sheekh C/qaadir oo la dhashay Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir.