Breaking News
Home » NEWS » Howgalkii Nisa oo lasoo gaba gabeeyey iyadoo weli aan cadeen dadka ku dhintey tirdooda
Howgalkii Nisa oo lasoo gaba gabeeyey iyadoo weli aan cadeen dadka ku dhintey tirdooda

Howgalkii Nisa oo lasoo gaba gabeeyey iyadoo weli aan cadeen dadka ku dhintey tirdooda

Iyadoo lasoo gaba gabeeyey weerarkii ay soo qaadeen Al-shabaab ayaa waxaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo gaaray goobta ay faah faahin ka bixiyeen qasaaraha weerarkaasi iyo sida ciidamada amaanka ay uga hortageen Al-shabaab.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ayaa gudaha Hotelka warbaahinta ugu sheegay in ciidamada amaanku ay yareeyeen qasaaraha maadaama ay ka hortageen kooxihii weerarka soo qaaday.

Taliyaha ciidamada NISA C/raxmaan Tuuryare ayaa sheegay in ciidamada NISA ay toogteen ragii weerarka soo qaaday, islamarkaana ay mar walba ciidamadu u diyaarsan yihiin in ay ka hortagaan qorshaha Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Hey’adda NISA, ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Gaashaan ay Hotelka qaybta Sare iyo Qaybta hoosaba ay joogaan oo ammaanka ay xaqiijiyeen.

Wasiirka wasaarada Amniga C/risaaq Cumar Maxamed ayaa isna tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in loo midoobo la dagaalanka ururka Al-shabaab.

Qasaaraha ka dhashay weerarka ayaa ilaa iyo hada aan si rasmi ah loo ogeyn maadaama ay jireen dad kale oo dhaawacyo qaba oo ciidanku subaxnimadii hore ee saakay ay ka soo saareen gudaha Hotelka.

Goobaha Hotelka ka agdhaw ayaa hada waxaa jooga dadka shacabka ah oo daawanaya sida ay wax u dhaceen, inkastoo ciidamada ammaanka qaybahooda kala duwan weli goobta ay buuxaan.

Taliyaha Nabad Sugida Cabdiraxmaan Maxamed Tuur Yare ayaa shir Jara’id ugu qabtay Warbaahinta Hoteelka Ambassador kaas oo sheegay in Al Shabaab markii ay galeen 4 qof oo kaliya ay ku dileen Hoteelka iyaguna ay soo bad baadiyeen 59 kale oo shacab iyo Masuuliyiin isugu jiray.

Hoos riix si aad u dhageysato Shirka Jara’id ee Hoteel Ambassador