Breaking News
Home » NEWS » Odayaasha dhaqanka Hawiye : “Xamar dadkii difaacey ayaa leh dadkii ka cararey wax kuma laha”
Odayaasha dhaqanka Hawiye :  “Xamar dadkii difaacey ayaa leh dadkii ka cararey wax kuma laha”

Odayaasha dhaqanka Hawiye : “Xamar dadkii difaacey ayaa leh dadkii ka cararey wax kuma laha”

Odayaasha Dhaqanka beelaha Hawiye ayaa sheegay in gobolka banadir uu ka mid yahay Gobolada Dalka soomaliya uuna Xaq u leeyahay in uu helo Xuquuqda uu leeyahay sida ayba u helaan gobolada kale ee dalka soomaaliya.

Afhayeenka Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye Nabad doon Axmad Diirye Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Magalada Muqdisho iyo Gobolka banadir la duudsiiyay Xaqa ay leeyihiin isagoona Carabka ku dhuftay in Gobolka Banadir uusan la mid aheyn gobolada kale waxaana uu meesha ka saaray in gobolka Banaadir uusan ka dhaxeeynin guud ahaan Soomaalia Balse Gobolka ay si rasmi ah ugu Abtirsadaan Beesha Hawiye wuxuuna yiri” Gobolka Banaadir waxaa iska leh hawiye Runta hala ogaado Cidii runta ay dhibeyso iyada ayey u taala Gobolka Banaadir Cid uu ka dhaxeeyo ma jirto oo aan hawiye aheyn” Sidaasi waxaa ku dhawaaqay Nabad doon Axmad Diiriye Cali.

Sidoo kale Odayaashii ka hadleeyn goobta ayaa sheegey in nin dhulkiisa ka cararaayo uusan jirin kuwa cararey waa kuwa aad laheeyn Ninkasta waxa uu ku dhintaa dhulkiisa hooyo, saas darteed ayaa hawiye kuu ku dhintey difaaca dhulkiisa oo ka mid ah Gobolka banaadir.

Dalka Soomaaliya oo hada Cagaha la sii galaayo Nidaamka Federaalka ayaa dad badan oo shacabka soomaliyed ah waxa ay qabaan in Gobolka banaadir aan la siinin Xaqa uu Federaalka ku leeyahay ayna qasab tahay in uu helo xaqa ka maqan qeybna uu ka noqdo Gobolada Dalka Soomaaliya ee maamulada Federaalka loo dhisaayo.

Halkaan Hoose ka dhageyso Nabad doon Axmad Diiriye Cali