Breaking News
Home » dhacdo » Dowlada Talyaaniga oo qaabishey R/Wasaare Sharma’arke iyo wafdi uu hogaaminayo
Dowlada Talyaaniga oo qaabishey R/Wasaare Sharma’arke iyo wafdi uu hogaaminayo

Dowlada Talyaaniga oo qaabishey R/Wasaare Sharma’arke iyo wafdi uu hogaaminayo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray dalka Talyaaniga, waxaana markii ay halkaasi gaareen soo dhaweeyay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga.

Waxaana Ujeedka socdaalka Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid lagu sheegay sidii uu kulamo ula qaadan lahaa madaxda dalka Talyaaniga, kuwaasi oo uu kala hadli doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo arrimo kale oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdiga la socda waxa ay warbixin ka dhageysteen safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga oo ka warbixiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga ku nool.

3 2 4rwasaareKKK