Breaking News
Home » NEWS » Qodobadii ka soo baxey shirkii Wadtashiga Soomaalida ee lagu qabtey Turkiga
Qodobadii ka soo baxey shirkii Wadtashiga Soomaalida ee lagu qabtey Turkiga

Qodobadii ka soo baxey shirkii Wadtashiga Soomaalida ee lagu qabtey Turkiga

1-Wakiillo ka kala socda 46 dal iyo 11 hay’adood oo caalami ah ayaa iskugu yimid magaalada Istanbul 23ki iyi 24ki Febraayo 2016 si ay uga qaybqaataan shirka sadexaad ee heer Wasiir ee Madasha Iskaashiga Heerka Sare (HLPF), oo uu marti-geliyay Mudane Recep Tayyip Erdo?an, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, ayna wada shir-guddoomiyeen Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Mudane Jan Eliasson, Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Madashani waxay daba socotaa shirarkii hore ee lagu kala qabtay magaalada Copenhagen sanadki 2014 iyo magaalada Muqdisho sanadki 2015.

2- Laba kulan oo rasmi ah oo gooni gooni ah, midkoodna uu khuseeyay haweenka, nabadda, iyo amniga, midka kalena uu khuseeyay dhalinyarada, ayaa la qabtay intii ay socotay Madasha Iskaashiga Heerka Sare (HLPF).

3- Waxaan soo dhoweynaynaa warbixinta labaad ee sannadlaha ah ee ku saabsan Heshiiska Soomaaliya ee Hiigsiga Cusub, waxaana bogaadinaynaa hannaanka Dib-u-eegista Heshiiska ee faahfaahsan, taas oo fududaysay in si wadajir ah falanqayn loogu sameeyo guulaha iyo caqabadaha lagala kulmay hirgelinta, iyo weliba in la meel dhigo oo la asteeyo guulaha la rabo in la gaaro sanadka 2016. Iyadoo caqabaduhu ay badanyihiin, ayaa warbixintani waxay si sax ah u qiraysaa in horumar ballaaran oo dhinacyo badan leh laga gaaray ajendaha/qorshaha nabadaynta iyo dhismaha dalka, waxayna warbixintu xaqiijinaysaa waxqabadkeena joogtada ah iyo kaalmada aan bixino.

4-Iyadoo ay sii dhammaanayso muddadi dastuuriga ahayd ee Dowladda iyo Baarlamaanka Federaalka ah, ayaa sannadka 2016ka, wuxuu yahay sannad muhiim u ah Soomaaliya. Waxaan garwaaqsannahay in sannadkan aanay suurto gelaynin qabsoomidda doorashooyin ku qotoma qof-iyo-codkiisa, laakiin waxaan soo dhoweynaynaa hannaanki loo wada dhammaa ee laga wada qayb-qaatay kaas oo horseeday in heshiis laga gaaro mabaadii’da iyo tallaabooyinka ugu waaweyn ee hanaanka doorashada 2016-ka, kuwaas oo ku xusan ‘Baaqii Muqdisho’ ee la soo saaray 16ki Disember 2015. Iyadoo la raacayo Mabaadi’da wax Hagta iyo Baaqii Muqdisho, ayaan ballan qaadaynaa in aan dadaal kasta ku bixino sidii loo heli lahaa hannaan doorasho bisha Agosto 2016-ka. Waxaan hoosta ka xariiqaynaa rajada aadka u xooggan ee aan ka qabno in aanay wax caqabad ah ku imaanin waqtiga loogu talo galay hirgelinta hannaanka doorasho, waxaana ka mid ah arrimaha (aan aadka ugu rajo weynahay) inay jirto xorriyadda hadalka, waxaa kale oo kamid ah in aan muddo kordhim loo samaynin muddada dastuuriga ah ee ay ku egyihiin hay’adaha fulinta iyo sharci-dejinta. Waxaan ku baaqaynaa in si loo wada dhanyahay oo laga wada qayb qaato si loo soo gabagabeeyo Qorshaha Fulinta ee Hannaanka Doorasho ee 2016 -ka iyo horumarinta Khariiddada lagu gaarayo sanadka 2020.

5- Waxaan dareennay in Puntland ay ka maqan tahay madashan, waxaana ugu baaqaynaa Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada inay dadaal
kasta bixiyaan si loo xaqiijiyo in dowladda iyo dadka Puntland ay si buuxda ugu soo biiraan si ay u suurtagasho in hannaanka doorashada sannadka 2016-ka uu u noqdo mid loo wada dhan yahay hadba inta suurtagal ah.

6-Waxaan adkaynaynaa in loo baahanyahay raadinta doorashooyin dadweyne oo dhaca sanadka 2020. Waxaan garwaaqsannahay baahida loo qabo in laga gudbo habka awood-qaybsiga ee hadda jira, iyadoo sidaasina ay waafaqsan tahay rabitaanka xooggan ee dadka Soomaaliyeed. Waxaan carrabka ku adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay in la helo aragti siyaasaded oo cad iyo tubtii loo mari lahaa aragtidaas, iyo in lagu heshiiyo qorshe laba geesood ah oo lagu taageerayo doorashooyin qof-iyo-codkiisa ah oo la qabto marka la gaaro 2020, uuna gacan ka geysanayo gudddi qaran oo doorasho oo madaxbanaan. Beesha caalamku waxay diyaar u tahay inay taageerto geeddi-socodyadaas.

7- Waxaan hoosta ka xarriqaynaa baahida loo qabo in la dhammeystiro hannaanka maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe iyo in heshiis laga gaaro qeexidda maqaamka magaalada Muqdisho.

8- Annagoo ogsoon in Dastuurka Federaalka ah ee Soomaaliya uu asaas u noqon doono xasilooni iyo siyaasad deggan oo ka hirgasha Soomaaliya, ayaan waxaan boorrinaynaa in si deg-deg ah loo dhammeystiro dib-u-eegista cutubyada mudnaanta leh ee Dastuurka Federaalka Ku Meelgaarka. Waxaan soo dhoweynaynaa heshiiska dhex maray madaxda federaalka iyo hay’adaha federaaliga ah, heshiiskaas oo ku saabsan arrimaha siyaasadeed ee u baahan waxqabad deg-deg ah sannadka 2016-ka gudihiisa. Waxan Dowladda Federaalka ah ugu baaqaynaa inay dowlad goboleedyada hadda jira iyo kuwa sameysmaya ka qaybgeliso geeddi socodka dib u eegidda iyo hirgelinta dastuurka, ayna wadatashiyo ka dhaca dalka oo dhan la yeelato dadka Soomaaliyeed ee jooga dhammaan dowlad goboleedyada hadda jira iyo kuwa sameysmaya, oo ay ka mid tahay iyadoo loo marayo waxbarasho bulsho iyo wacyigelin dadweyne si loo xaqiijiyo ogolaansho sal ballaaran iyo lahaansho Soomaaliyeed.

9- Waxaan qiraynaa in horumar laga gaaray sidii nabad waarta iyo amni loogu heli lahaa Soomaaliya guud ahaanteeda, laakiin waxaan ka walaacsannahay in xaaladda amni ee hadda jirta ay tahay mid dib u dhac ku ah horumarka hay’adaha dowladda iyo bulsho weynta Soomaaliyeedba, waana sababta ugu wayn ee keenta baahida gargaar bani’aadanimo ee ballaaran ee ka jirta Soomaaliya.

10- Waxaan bogaadinaynaa dadaalka geesinimada ku dheehantahay ee (ciidammada) AMISOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab. Waxaan mahad gaar ah usoo jeedinaynaa dhammaan dalalka ay ciidammadu ka joogaan Soomaaliya (Ciidanka iyo Booliska AMISOM), sidoo kale waxaan u mahad celinaynaa saaxiibada/jaallayaasha sida joogtada ah u kaalmeeya una garab taagan hawlgalka. Waxaan boorrinaynaa sii xoojinta hawlgallada AMISOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka, waana in dadaal loo galo sidii Ciidanka Xoogga Dalku ula wareegi lahaayeen hawlgallada xooggooda ee furrimaha hore waxaana taageeraya ciidammada AMISOM. Hawlgallada waa in loo fuliyaa si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee xilliyada dagaalka iyo xuquuqul insaanka, waana in lagu xisaabtamaa baahida loo qabo in la abuuro jawiga/xaaladaha muhiimka u ah xasilooni ka hirgasha goobaha lala wareegay, iyadoo la aqoonsan yahay doorka ay cayaarayaan qaybaha kala geddisan, sida kuwa booliska, garsoorka, iyo asluubta. Waxaan ka dhur-sugaynaa Shir-madaxeedka soo socda ee dalalka ay ciidammadu ka joogaan Soomaaliya (TCC), shir-madexeedkaas oo ka dhici doona dalka Jabuuti bisha Febraayo 2016. Waxaan ugu baaqaynaa saaxiibada inay sii wadaan daboolidda isku dheelli tirka baahida xagga hawlgallada iyo dhaqaalaha la heli karo si loo helo dhaqaale la isku haleyn karo lana helo xilliga loo baahdo.

11- Waxan ogsoonnahay dadaallada lagu xoojinayo tayada/awoodda iyo isla-xisaabtanka hay’adaha amniga ee dalka oo dhan, waxaana soo dhoweynaynaa sida ay uga go’antahay Dowladda Federaalka iyo saaxiibada caalamkuba inay horumariyaan, ka hor 2016-ka, qorsheyaal lagu joogteeynayo dhaqaalaha lagu bixiyo ciidanka xoogga (Guulwade) iyo booliska (Heegan), qorsheyaashaas oo hoos taga naqshadda amniga qaran oo ka dhashay Dib-u-eegista Kharashka Dowladda ee ay sameeyeen Bankiga Adduunka iyo Qaramada Midoobay. Waxaan soo dhoweynaynaa go’aanka Guddiga Amniga Qaranku ku gaaray in matalaadda gobollada ay yeelato heerka ugu sarreeya. Waxaan bogaadinaynaa dadaallada lagu dhamaystirayo qiimaynta khataraha ku wajahan qaranka si loo xaqiijiyo meel marinta Nidaam Qaran oo amni oo la isla meel dhigo ka hor bisha May 2016-ka.

12- Waxaan sidoo kale garwaaqsanahay fursadda iyo baahida loo qabo in taageero la siiyo ciidammada booliska dowlad goboleedyada hadda jira iyo kuwa sameysmaya si loo xaqiijiyo nabadda iyo amniga.

13- Waxaan dareensanahay in taageerada caalamku u fidiyo hay’adaha amniga ee Soomaaliyeed ay tahay lagama maarmaan, waana in taageeradaas loo bixiyaa si ay ku dheehan yihiin daah-furnaan dheeraad ah isku-dhaf buuxa iyo waafajin la waafajinayo qorshooyinka maaliyadeed ee joogtada ah, kuwaas oo ay horumarisay Dowladda Federaalka ah. Waxaan soo dhoweynaynaa ballan qaadka la ballan qaaday in diiradda la saaro isku-dhafka ciidammada qaranka, (sidoo kale waxaan soo dhoweynaynaa) ballan-qaadyadii Madaxweynaha ee ku aaddanaa dib u qaabaynta hay’adaha amniga, waxaana ka mid ah (dib u qaabaynta) nidaam horumarsan oo lagula socdo lacagta baxda, waxaana boorrinaynaa in nidaamkaasi uu noqdo mid gacan ka geysanaya in lacagta (xaqa loo leeyahay) lagu bixiyo si joogto ah, lana bixiyo waqtiga loogu talo galay. Waxaan soo dhoweynaynaa ballan qaadka saaxiibada caalamku ballan qaadeen bixinta mushaaraadka loona bixiyo si joogto ah iyo waqtiga loogu talo galay.

14- Waxaan ogsoonnahay in sarraynta sharcigu ay tahay qayb ka mid ah amniga, xasiloonida iyo fidinta awoodda dowladda, waxaana si wadajir ah u ballan qaadaynaa in aan horumarino bixinta adeegyada asaasiga ah ee la siinayo dhammaan hay’adaha cadaaladda ee booliska, garsoorka, iyo asluubta. Sidoo kale, waxaan boorrinaynaa in sanadka 2016-ka gudihiisa la dhiso hay’adaha ugu sarreeya cadaaladda sida Maxkamadda Dastuuriga ah, Guddiga Madaxbanaan ee Xuquuqul Insaanka iyo Guddiga Adeegga Garsoorka.

15- Waxaan dareensannahay muhiimadda ay leedahay (in la helo) hab dhammaystiran oo looga hortago xag-jirnimada ku dhisan gacan ka hadalka ee Soomaaliya gudaheeda, habkaas oo ka baxsan hawlgallada ciidan, waxaana ka mid ah wax ka qabashada sababaha asalka u ah xag-jirnimada, waxaana ballan qaadaynaa in aan si wadajir ah u shaqayno si wax looga qabto arrimahaas. Waxaan carrabka ku adkaynaynaa in dadaallada iyo hawlaha la-dagaallanka argagixisada loo fuliyo qaab si buuxda u waafaqsan xuquuqul insaanka, waxaana soo dhoweynaynaa ansixinta Hindise-Sharciyeedkii La-dagaallanka Argagixisada.

16- Waxaan xaqiijinaynaa in loo baahan yahay hab dhamaystiran oo lagu fidiyo awoodda dowladda si maamulada deegaanadu awood ugu yeeshaan bixinta adeegyada asaasiga ah ee ay siinayaan deegaanadooda.

17- Waxaan ka walaacsannahay in dad gaaraya 4.7 malyan oo ku sugan Soomaaliya aanay haysanin cunno, una baahanyihiin gargaar bani’aadanimo oo degdeg ah ,lana joogteeyo. 3.2 malyan oo qofood ayaa u baahan adeegyo caafimaad oo deg-deg ah, ku dhowaad 1 malyan oo qofood ayaa maalin walba dhibaato u mara sidii ay cunno ku heli lahaayeen, caruur ka badan 300,000 da’dooduna ka hooseyso 5 sano ayaa la il daran nafaqa darro – 58,300 ka mid ah caruurtaasi si ba’an ayay u il daranyihiin. Baahida dad barakacayaal ah oo gaaraya 1.1 malyan ayaa gaar ahaan ah mid ballaaran. Waxaan si gaar ah uga walaacsannahay abaarta dhawaantan ku dhufatay meelo badan oo kamid ah Soomaliya. Waxaan carrabka ku adkaynaynaa baahida loo qabo in fiiro loo yeesho hababka maareynta masiibooyinka iyo ka fal-celinta digniinta musiibada ka hor. Waxaan qiraynaa in loo baahan yahay xal waara oo wax looga qabto masiibooyinka joogtada noqday ee dabiiciga ah iyo kuwa dadku sameeyaan, (sidoo kalena) wax laga qabto u nuglaanshaha musiibooyinka. Waxaan mar kale xaqiijinaynaa ballan qaadkeenna ku aaddan Qorshaha Wax-ka qabashada Hawlaha Bani’aadanimo. Waxaan soo dhoweynaynaa dadaalada lagu raadinayo xal loogu talo galay Dadka Barakkacayaasha ah, waxaana ku boorrinaynaa saaxiibada caalamka iyo kuwa qaran kaba inay bixiyaan taageerada loo baahan yahay si la iskugu xiro yoolka/ahdaafta bani’aadanimo iyo kuwa horumarineed, iyadoo la iskugu xiraayo qaab istiraatiiji ah.

18- Waxaan hoosta ka xarriiqaynaa kaalinta mugga leh ee adeegyada waxbarashada, caafimaadka, dhowridda bulshada ay ku leeyihiin taageeridda dadka Soomaaliyeed. Iyadoo la ogsoonyahay horumarka la taaban karo ee la sameeyay sannadki 2015-kii, si adeegyo bulsho loo gaarsiiyo dadka danyarta ah, ayaa beesha caalamka iyo dowladduba ay ballan qaadayaan inay mudnaan siiyaan maal gelin waxqabad iyo mid dhaqaale oo ballaaran laguna maalgelinayo adeegyada bulsho. Iyadoo taas la tixraacayo, ayaan waxaan soo dhoweynaynaa ballan-qaadka wadajirka loo ballan-qaaday in la horumariyo adeegyada bulsho ee waxbarashada iyo caafimaadka, iyadoo loo marayo sharciyada iyo nidaamyada muhiimka ah (sida manaahijta waxbarasho ee dalka, istiraatiijiyad caafimaad, nidaamka dhowridda bulshada), tayo dhisidda, iyo nidaamyo waxtar leh lagu maareeyo, laguna bixiyo lacagta macallimiinta iyo shaqaalaha caafimaadka.

19- Waxaan hoosta ka xarriiqaynaa baahida loo qabo in la hormariyo dhinacyada dhaqaalaha muhimka ah ee dadka Soomaaliyeed fursado badan u siin doona hab nololeed la joogteyn karo, waxaana ku nuuxnuuxsanaynaa baahida loo qabo maareyn mas’uuliyad leh oo daah-furan oo lagu sameeyo dhammaan kheyraadka dabiiciga ah ee wax soo saarka leh oo noqon karta arrinta koowaad ee ka dambeysa kobac dhaqaale oo loo wada dhanyahay.

20- Waxaan garowsanahay in Dowladda Federaalka ay ka go’antahay inay dejiso isbedello iyo hindiso sharciyeedyo lagu xoojiyo dhinacyada muhimka ah (tamarta, kaabayaasha dhaqaalaha, dekadaha, isgaarsiinta casriga ah, beeraha, xoolaha nool, iyo kalluumeysiga), oo ay ka mid tahay iyadoo loo maro iskaashiga dowladda iyo ganacsiga gaarka ah, waxaana soo dhoweyneynaa dadaalka ay beesha caalamku ugu jirto in la ballaariyo taageerada la siiyo dhinacyada dhaqaalaha mudnaanta sare leh iyo shaqaaleynta dhallinyarada, iyadoo ay ka mid tahay in loo maro tababar farsamo. Waxaan dhiirigelinaynaa taageero la siiyo mashaariicda dhaqaalaha gobollada, gaar ahaan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, maadaama ay lagama maarmaan u noqon doonaan koboc dhaqaalaha iyo iskaashiga gobollada.

21- Waxaan ogsoonnahay baahida loo qabo helitaanka hab dhamaystiran oo lagu qalabeeyo dhalinyarada qalab awood u siinaya inay door wanaagsan ka qaataan helitaanka nabad, barwaaqo dhaqaale iyo mid bulsho oo ka hana qaadda geyiga Soomaaliya. Iyadoo taas la tixraacayo, iyadoo la raacayo qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2250 ee khuseeya dhalinyarada, Nabadda iyo Amniga, ayaan waxaan soo dhoweynaynaa horumarinta Nidaamka Qaran ee Dhalinyarada iyo istiraatiijiyadda Qaramada Midoobay ee Dhalinyarada Soomaaliyeed, sidoo kale, waxaan soo dhoweynaynaa samaynta Sanduuqa Dhalinyarada Soomaaliyeed ee loo marayo Nidaamka Qaran.

22- Waxaan hoosta ka xariiqaynaa kaalinta muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin nolosha dhaqaale, siyaasadeed iyo midda bulsho ee Soomaaliya. Waxaan soo dhoweynaynaa go’aankii Dowladda Federaalku ku gaartay in la xaqiijiyo in haweenku 30% ku yeeshaan kuraasta doorashooyinka 2016-ka, (sidoo kale), waxaan soo dhoweynaynaa qoondada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay 21% u qoondaysay haweenka inay ku yeeshaan Baarlamaan Goboleedka. Waxaan ku boorrinaynaa madaxda Soomaaliyeed inay ka dhabeeyaan ballamahaas marka la gaaro Agoosto 2016-ka. Waxaan meel marinaynaa Nidaamka Qaran ee Dheddig-labka waxaana soo dhoweynaynaa qorista Hindise-sharciyeedka Xadgudubyada ku dhisan Jinsiga, waxaana boorrinaynaa in sid deg-deg ah loo dhammaystiro loona ansixiyo. Waxaan Dowladda Federaalka ku boorrinaynaa inay ansixiso Heshiiska Baabi’inta Takoorka ka dhanka ah Haweenka (CEDAW) si loo xaqiijiyo tallaabooyin si nidaamsan loogu cirib tirayo xeerarka iyo falalka ku qotoma is-takooridda, isla markaasina sare loogu qaado sinnaanta haweenka.

23- Waxaan ka mahad celinaynaa sida firfircoon ee guusha leh ay Soomaaliya uga qayb qaadatay hannaanka Dib-u-eegista Xiliyaysan ee Caalamiga ah (UPR) oo Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay garwadeenka ka ahaa. Waxaan Soomaaliya ugu hambalyaynaynaa ansixinta Heshiiska Xuquuqda Caruurta ee ay ansixisay 1di Oktoober 2015, waxaana ku boorrinaynaa inay ansixiso Heshiisyada Akhtiyaariga ah (ee la socda Heshiiska weyn).

24- Waxaan si adag usoo jeedinaynaa in dardartu ay sii socoto ballamada la qaadayna la fuliyo, gaar ahaan ballamada la xiriira Qorshe Hawleedka Khariiddada Xuquuqul Insaanka, samaynta Guddi Madaxbanaan ee Xuquuqul Insaanka iyadoo la raacayo Mabaadii’dii Paris, iyo in la horumariyo ku dhaqanka hay’adaha amnigu ku dhaqmayaan xuquuqul insaanka caalamiga ah iyo sharciga xilliyada dagaalada. Beesha caalamka waxaan ku boorrinaynaa inay taageeradeeda la garab istaagaan waxyaabaha la isla gartay ee mudnanta u leh xuquuqul insaanka, gaar ahaan waxyaabaha ku jira Khariiddada Xuquuqul Insaanka, iyo inay taageeraan tayaynta Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka si ay u hirgeliso waxyaabahaas mudnaanta leh.

25- Sanadka 2016-ka wuxuu ku asteysanyahay sannadki ugu dambeeyay ee Heshiiska Soomaaliya (ee Hiigsiga Cusub). Heshiisku wuxuu door muhiim ah ka qaatay horumarinta iskaashiga iyo isla-xisaabtanka labada dhinac ee ka dhexeeya dowladda iyo beesha caalamka iyo sii ballaarinta horumarka siyaasadeed, amni iyo horumarineed ee Soomaaliya. Waxaan filaynaa inaan horumarino wejigii labaad ee waxqabadka caalamka ee Soomaaliya, waxqabadkaas oo ku dhisan xirmooyin mabaadii’ ah oo la wadaago cusboonaysiinta iskaashiga wadajirka ku dhisan.

26- Waxaan ballanqaadaynaa inaan qaadno tallaabooyin dhab ah si loo hormariyo loona dardargeliyo gaarsiinta gargaarka oo waafaqsan mabaadii’da iskaashiga la isku afgartay iyo in barnaamijyada iyo dhaqaalaha aan waafajino arrimaha mudnaanta qaran u leh Soomaaliya, si ay u noqdaan waxyaabaha lagu xoojiyo si gargaarku uu noqdo mid waxtar leh.

27- Waxaan soo dhoweyneynaa horumarka laga gaaray diyaarinta Qorshaha Horumarinta Qaran ee saddex sannadlaha ah (2017-19), iyo wadatashiyada qaran ee la qabtay si loo xaqiijiyo in Qorshaha Horumarinta Qaran uu si dhab ah uga tarjumo arrimaha mudnaanta u leh iyo baahida dadka Soomaaliyeed. Waxaan ballanqaadeynaa inaan taageerno sameynta Qorshaha Horumarinta Qaran oo ah ballanqaad ay dowladdu u sameyso dadka Soomaaliyeed si loo abuuro jawi suurtageliya horumar siyaasadeed iyo mid amni, yareynta saboolnimada iyo horumar loo dhan yahay, isla markaana ah hannaanka wadashaqeynta caalamiga ee Soomaaliya. Qorshaha Horumarinta Qaran waxaa la waafajin doonaa Yoolalka Horumarinta la joogteyn karo, wuxuuna noqon doonaa mid waafaqsan (warqadda istraatijiyada yareynta saboolnimada ee ku meelgaarka ah, IPRSP).

28- Waxaan Dowladda Federaalka ku bogaadinaynaa horumarka ay ka gaartay sare u qaadidda maareynta hay’daha maaliyadda guud ee Soomaaliya waxaana ugu baaqaynaa inay dadaal dheeraad ah ku bixiso ururinta iyo kala duwidda canshuuraheeda gudaha. Waxaan soo dhoweynaynaa heshiiska siyaasadda ee dhexmaray wasiirrada maaliyadda ee federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada si ay uga shaqeeyaan is-waafajinta canshuuraha, iyo hawlaha xisaabinta hantidhowrka dalkoo dhan; una adeegsadaan nidaamyada maareynta xogta maaliyadda ee is-waafaqsan iskuna xiran; isulana qaataan hal siyaasad lacageed oo keliya iyo waraaqaha lacagta. Waxaan dowladda ugu baaqaynaa inay ballan-qaaddo hirgelin buuxda oo lagu sameeyo hannaankan si uu gacan uga geysto dhismaha nidaamyada maareynta maaliyadda Soomaaliya. Waxaa sidoo kale soo dhoweynaynaa ballanqaadya ay dowladdu ku gashay inay dejiso hannaan sharci ee la isku raacay heer qaran ee canshuur wadaagga iyo maareynta kheyraadka dabiiciga ah ee la joogteyn karo.

29- Waxaan aqoonsanahay muhimadda uu leeyahay wadatashiga kowaad ee Qodobka 4aad ee ay Soomaaliya la yeelatay hay’adda lacagta adduunka (IMF) 25-kii sanno ee la soo dhaafay. Waxaan Dowladda Federaalka ku ammaanayna sida joogtada ah ee ay ugu heellan tahay dib u habaynta maamulka maaliyadda iyo dhaqaalaha si ay asaaska ugu dejiso inay mar kale si buuxda ula shaqeyso hay’adaha maaliyadda caalamiga ah ee Soomaaliya iyadoo la raacayo hannaanka HIPC si ay Soomaaliya ugu suurowdo inay hesho fududeynta/deymaha maaliyadda, una gaarto ujeeddooyinkeeda horumarineed. Waxaan dhiirigelinaynaa dejinta barnaamijka kormeerka shaqaalaha IMF.

30- Waxaan ku nuuxnuuxsanaynaa in Guddiga Maamulka Maaliyadda uu kaalin muhim ah ka cayaarayo inuu gacan siiyo dowladda iyo beesha caalamka si ay u xoojiyaan maamulka hay’adaha maaliyadda guud ee Soomaaliya. Waxaan si adag u dhiirigelinaynaa inay sii socoto hawsha Guddiga Maamulka Maaliyadda si loo joogteeyo loona kordhiyo guulaha la gaaray.

31- Waxaan mar kale ku ballan-qaadaynaa adeegsiga khariiddada barnaamijyada dalka (country systems), kaas oo qeexaya in la wadaagayaasha horumarinta iyo dowladda ay wada ballanqaadaan adeegsiga iyo xoojinta nidaamyada dalka, taasoo u dhiganta horumarka laga gaaray dib u habeynta maaliyadda. Waxaan ballan-qaadeynaa nidaamyada maareynta maaliyadda guud, oo adag, is-waafaqsan oo daah-furan, si loo maareeyo khatarta ammaanada, adeegsiga nidaamyada dalkuna wuxuu keeni karaa in gargaarku uu noqdo mid aad waxtar u leh.

32- Gunaanadkii, waxaan dhammaan ka qaygalayaasha uga mahadnaqaynaa sida wax ku oolka ah ee ay uga qayb qaateen, waxaana ballanqaadeynaa inaan ka wada shaqeyno hirgelinta qorsheyaasha la isku afgartay ee sannadka 2016-ka, si sannadkan looga dhigo mid taariikhi u ah Soomaaliya.

33- Waxaan dadka iyo dowladda Turkiga uga mahad celinaynaa soo dhoweynta diiran iyo martigelinta ay bixiyeen intuu socday kulanka madasha, waxaana ku ammaanaynaa shaqada ballaaran ee horumarinta iyo dib u dhiska ay Turkiga ka waddo Soomaaliya.