Breaking News
Home » NEWS » Real Madrid Oo Ku Guulaysatay Uefa Super Cup 2014.
Real Madrid Oo Ku Guulaysatay Uefa Super Cup 2014.

Real Madrid Oo Ku Guulaysatay Uefa Super Cup 2014.

Kooxda Real Madrid ayaa guul ka gaartay kooxda Sevilla kadib markii ay ku garaacday 2-0 ciyaar aad u xiiso badneed oo ka dhacday garoonka kooxda ree Wales ee Cardiff City.

madrid

Real Madrid ayaa ku guulaysatay koobka Uefa Super Cup 2014 kadib markii ay horay u soo qaaday Champions League.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay weerar culus oo dhanka Real Madrid ah inkasta oo kooxda Sevilla ay dhankeeda isku dayeeysay inay gool kaga hormarto kooxda Real, Bale iyo Ronaldo ayaa ka qasaariyay Real Madrid fursado qaali ahaa oo ay ku qaban kareen hogaanka ciyaarta.

Lakiin daqiiqadii 29 aad Ronaldo ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa kadib kubad karoos ahayd oo uu u soo qaaday Bale isagoona sii dhex dhigay shabaqa uu waardiyaha ka ahaa gool haye Beto wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0.

Bu3JYl9CQAA16US.jpg large

 

Qaybtii hore ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku haysay kooxda Real Madrid.

Bu3SoBJCYAACaMY

Qaybtii danbe Ronaldo ayaa u labeeyay kooxda Sevilla ciyaarta oo socota kaliya 4 daqiiqo kadib kubad uu ka helay Benzema wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0, Real Madrid ayaana sidaas ku qaaday koobkii Uefa Super Cup 2014.

Bu3Sz88CYAAR9Zs

Bu3Sl2pCMAAsffU

La