Breaking News
Home » NEWS » Soomaaliya oo heshiis Shidaal baaris ah kala saxiixday Mubadala Petroleumee dalka UAE
Soomaaliya oo heshiis Shidaal baaris ah kala saxiixday  Mubadala Petroleumee dalka UAE

Soomaaliya oo heshiis Shidaal baaris ah kala saxiixday Mubadala Petroleumee dalka UAE

Shirkadda Mubadala oo fadhigeedu yahay Magaalada Dubai ee dalka Isutaga imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday in heshiis iskaashi ay la saxiixatay dowladda Federaalka Soomaaliya, Heshiskaas oo hormarin doona sahminta patrool iyo fursadaha wax soo saarka dalka geeska Africa ku yaala ee Soomaaliya.

Shirkadaan Shidaalka qaabilsan ee Mubadala ayaa sheegtay in heshiiska ay la saxiixatay wasaarada Batroolka iyo Macdanta Soomaliya kadib wadahadalo dhexmaray Masuuliyiin ka tirsan isutaga Imaaradka Carabta iyo masuuliyiin dowladda Soomaaliya ka mid ah horaantii sanadkan 2014,ka.

Heshiiskan ayay shirkadu sheegtay In uu noqon doono mid hormariya iskaashiga laba dal ee ku aadan hormarinta sectarada ama qaybaha shidaalka Soomaaliya .

Sarkaal ka tirsan Shirkada patroolka ee ( Mubadala Petroleum) ee dalka isutaga Imaaraadka Carabta oo lagu magacaabo Musabbeh Al Kaabi, ayaa sheegay in heshiiskan muhiimka ah in uu kor u qaadi doono fursadaha hormarineed waxa uuna sheegay in uu awood u siin doona Shirkada Mubadala in ay xiriir muda dheer ah ay la wadaagto Soomaaliya.

Shirkada patroolka ee Mubadala ayaa xiriiro dhanka patroolka ah la leh 12 dal oo ku kala yaala Bariga dhexe, bariga iyo bartamaha Africa iyo Koonfur bari Qaaradda Asia, mana aha markii ugu horaysay oo dowlada Sooamaliya ay heshiisyo shidaal baaris ah la gasho shirkado ajnabi ah arintaas oo dhowr jeer Qaramada Midoobay ay ka digtay in ay xiisado iyo colaado horleh ay dalka Soomaaliya dib uga qarxiyaan.

Sources ; Mubadala Petroleum