Breaking News
Home » NEWS » Dhuusamareeb: Ceel Biyood la isku heeysto oo dad ku dhinteen
Dhuusamareeb: Ceel Biyood la isku heeysto oo dad ku dhinteen

Dhuusamareeb: Ceel Biyood la isku heeysto oo dad ku dhinteen

Laba qof ayaa ku dhimatay, tiro kalana way ku dhaawacmeen dagaal saaka maleeshiya beeleed ku dhexmaray deegaanka Dhaban-dhulkuheys oo 35 KM dhinaca koofureed uga beegan magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

ceel-biyood

Dagaalka ayaa salka ku haya muran ka dhashay gacan ku heynta ceel biyood ku yaala degeaankaas.

Guddoomiyaha maamulka Dhuusamareeb  Macallin Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-Qoroow ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay dhimashada labada ruux.

Geeda-Qoroow ayaa sheegay in ergo uu isaga hoggaaminayo ay saaka tageen deegaanka uu dagaalka ku dhacay si xiisadda loo damiyo, heshiisna loo dhex-dhigo dhinacyada dagaallamay.