Breaking News
Home » NEWS » Kooxda heysata koobka Aduunka Spain oo si xun loo jarjarey
Kooxda heysata koobka Aduunka Spain oo si xun loo jarjarey

Kooxda heysata koobka Aduunka Spain oo si xun loo jarjarey

Ciyaartii xalay ee xulalka Spain iyo Netherland ayaa ahayd mid aad u kulul , iyagoo labada koox ay soo bandhigeen ciyaar aad u sareysa, iyadoo ay yaraayeen qaladaadkii maamulayaasha ciyaarta, qeybtii hore ee ciyaarta ayaa aheyd mid aad u wanaagsan.

Xulka Holland ayaa helay ugu horeysayba fursad aad u wanaagsan, iyadoo Wesley Snieder uu ka beerdareeyay fursad dahabi aheyd, isagoo kubad loo soo dhex bixiyay.

 

Diego Costa ayaa lagu abaalmariyey rigoore uu ku raadiyey Stefan De Vrij, daafaca Netherland ayaa khalad ku galay weeraryahanka Spain oo isku dayey inuu u ganbiyo Vrij oo xawaare ku soo sibixday, waxaana rigooradaas u soo istaagay shabaqana ku hubsaday Xabi alonso.
Fursaddii kuxigtay isla qeybtii hore ee ciyaarta waxaa heshay Netherland, karoos macaan oo loosoo dhigay weeraryahanka Manchester United, Robben Van Persie ayaa dhankiisa si il-qabad leh u dhameestiray, Cassilas, Pique ayaa xaadir ka ahaay, RVP ayaa kubada shabaqa ku leexiyey isagoo hawada ku jiro, kubada ayaana shabaqa gees ka gashay.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro lagu wada qanacsan yahay, iyadoo hal daqiiqo oo lagu daray aysan wax ka badalin natiijadii ciyaarta.

Ciyaarta qeybtii labaad Netherland ayaa isku dayeysay inay kubadda iyo kulankaba la qeybsato Spain, kooxda koobka adduunka ayaa ceyrsaneysay inay kubadda ka reebto ciyaartoyda Holland oo si wacan uqeybsanayey kubada.

Fursaddii ugu horeesay qeybtii labaad ee ciyaarta waxaa helay xulka qaranka Netherland, kubad loo soo qaaday Robin ayaa si la yaableh u koontarooley isagoo ka leexsaday daafaca reer Spain Casillasna ku yiri walle kuguma cuno markaan.
Fursaddi ku xigtay Netherland oo u muuqatay inay carcar ku soo gashayba qeybtii labaad ee ciyaarta, RVP ayaa mar kale u soo dhawaaday inuu hogaanka u sii dheereeyo kooxda reer Spain, kubadii uu la aaday shabaqa waxaa ka beenisay birta.

 

Netherland ayaa cashirkeeda meesha ka sii wadatay, qalad uu sameeyay goolhayeha Spain Casillas daafaca xulka Orange Stefan Di Vrij ayaa kubada ku hubsaday shabaqa, kubad la soo qaaday Casillasna uu shabaqa soo firaaqeeyay, qaladkaan ayaa u ekaa midkii Casillas uu sameeyay kulankii Finalka Champions League.

Qaladaadka Casillas ayaa sii socday, goolhayeha Real Madrid ayaa qalad ku hor sameeyay RVP, kubada ayaa utagtay weeraryahanka ka xamaasho horyaalka England, isagoo kubada usii raaciyey dhanka shabaqa.

Xulka Holland ayaa isku dhaarsaday aargoosi lama ilaawaan ah oo ay ku dhigaan Spain, Arjen Robben ayaa meel cidla ah uga tagay Casillas, kubadda uu dhexda ka soo qaatay ayuu goolhayeha reer Spain ku soo baxay, ciyaaryahanka garabka ee Netherland ayaa u ganbiyey shabaqa oo ay ku jireen Ramos iyo Pique dhex dhigay kubada.

Dhanka kale waxaa badnaa inta fursadood uu badbaadiyey Casillas, afar daqiiqo oo lagu daray intii lagu gudo jiray Fernando Torres ayaa Spain ka cunay fursad ay ku soo yareyn laheyd goolasha lagu leeyahay, ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 5-1 oo Netherland uga aargudatay xulka Spain.

83

64-618x278

65

70

69

68

67

66

72

73

74

75

76

77

78

79

80

81

82

83

84

85

86