Breaking News
Home » NEWS » ILaacibka Ivery Cost Didier Drogba oo guul la hoyey wadankiisa
ILaacibka Ivery Cost  Didier Drogba oo guul la hoyey wadankiisa

ILaacibka Ivery Cost Didier Drogba oo guul la hoyey wadankiisa

Ciyaartii u dhexeysay England iyo Taliyaaniga waxay ahayd mid aad u adag inkastoo kooxda Taliyaaniga ay inta badan cagtooda ay ku jirtay kubadda.

ivory coa

Daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta, kooxda uu kabtanka u yahay Gerrard waxay isku deyeen inay weerar degdeg ah ku qaadaan Taliyaaniga, balse umeysan suurta galin inay goolka la hormaraan.

Markii ay ciyaarta mareysay 35 daqiiqo ee qeybtii koobaad, Claudio Marchisio ayaa ruxay shabaqa kooxda England.

marchisioWaxay ahayd gool ay qaladkiisu ay lahaayeen difaaca England, sababtoo ah si wanaagsan ugameysan hortagin laatkaasi ka dhashay, sida ay sheegayaan dadka falanqeeyo arrimaha ciyaaraha.

Balse, laba daqiiqo kadib, oo aheyd daqiiqadii 37-aad, England waxay muujisay inay awood u leedahay inay iska gudo goolka lagu lahaa.

sas

Daniel Sturridge, ayaa goolka bareejada u dhaliyay tiimka England, qeybtii hore ee Ciyaarta ayaana ku dhammaatay barbardhacaasi.

Laakiin, markii laisu soo noqday qeybtii labaad, Taliyaaniga waxay kordhiyeen weerarkooda, waxayna la wareegeen maamulka qadka dhexe ee garoonka ay ciyaarta ka dheceytsay.

Arrintaasi waxay dhalisay in tiimka England ay si wanaagsan ay isula heliwaayaan cagta. Daqiiqaddii 50-aad, Mario Balotelli oo markii horeba weerarkiisu uu aad ahaa ayaa goolka labaad madaxa ku dhaliyay, waxayna ciyaarta ka dhigtay laba gool iyo hal.

Xulka England waxay heleen fursado badan oo goolal ay ku dhallinkaraan, balse qaar ka mid ah fursadahaasi way iska beerdareeyeen, halka kuwana si adag looga difaacay.

Waxay ciyaarta ku dhamaatay guusha inay raacdo Taliyaaniga, waxayna ku dhamaatay England 1 – 2 Italy, waa ciyaartii ugu horeysay ee ay dheelaan labadan koox.

mario

England, waxay weli u dhimman inay la ciyaarto kooxaha Uruguay iyo Costa Rica, si ay uga gudubta kooxda ay ku jirto ee D.

Hadaba dad badan oo Soomaali ah ayaa ka daawanayay ciyaartan oo ka mid ah tartamada kubadda cagta ee dunida.

Ivory Coast oo garaacday Japan:

Ivory Coast ayaa laba gool kaga badisay kooxda Japan, si ay u bilowdo ololeheeda ah inay guul ka gaarto ama meel fiican ka gasho tartamada ciyaaraha kubadda cagta ee ka socdo dalka Brazil.

dabaaldeh

Kooxdan Afrikaanka ah ee loo yaqaano Maroodiyaasha, ayaa qeybtii hore ee ciyaarta ku dhameystay gool lagu lahaa oo uu ka dhaliyay Keisuke Honda strike in the first half.

Balse, Didier Drogba oo dib laga keenay ayaa wax ka badalay ciyaarta, inkastoo laba gool ay ku badiyeen 90-kii daqiiqo ee ciyaarta ay socotay.

Goolkii koobaad waxaa dhaliyay, Wilfried Bony oo laat qurux badan ka helay Serge Aurier.

maroodiyaasha

Aurier ayaa markiisa laat siisay ciyaaryahankii horey ugu ciyaari jiray Arsenal Gervinho, wuxuuna halkaasi ku dhaliyay goolka labaad ee siiyay inay guuleystaan.

Guushan ayaa Ivory Coast fursad u siisay inay seddax dhibic helaan ciyaartoodii ugu horeysay ee kulamada koobka dunida ee dalka Brazil ka socdaan.

jaban

Ivory Coast, ayaa weligey ka gudbin kooxaha kooxba dunida, hase-yeeshaan guushan waxay u noqon kartaa fursad ah inay ciyaaro wanaagsan soo bandhigaan.

Hadaba maxay tahay taariikhda xulka Maroodiyaasha Afrika, maxayna yihiin laa cibiinta ay wataan.

Cabdifitaax Ibraahin Cagayare ayaa warbixin ka diyaariyay, ka dhageyso Lifaaqa.

Costa Rica 3 Uruguay 1

Costa Rica ayaa ka yaabsatay dunida ka dib markii ay si lama filaan ah 3-1 ugu dubteen xulka Uruguay ciyaar ka tirsaneyd Group D iyagoo guushoodii ugu horeysay abid ka gaaray xulka Uruguay.

cambel

Xulka ku ciyaara midabka buluuga cirka u eg ee Uruguay ayaana hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 23aad markii rigoore loo dhigay taasoo ku timid qalad lagu galay daafaca Uruguay Lugano. Waxaa gool ku laadka u soo istaagay Edinson Cavani kaasoo gool u sarifay inkastoo uu goolhayaha Costa Rica ka raacay kubada.

cavani

Bilowgii qeybta labaad Costa Rica ayaa ku dhawaatay inay barbareyso ciyaarta markii Duarte uu madax xor ah ku helay goolka isagoo u dhow laakiin goolhaye Muslera ayaa si cajiib ah kaga badbaadiyay, iyadoo Uruguay ay u muuqatay in ku adag tahay inay difaacdaan kubadaha madaxa ah.

Costa Rica ayaana barbareysay ciyaarta daqiiqadii 53aad markii kubad ay ka soo qaadeen garabka midig uu madax ku soo taabtay mid ka mid ah weeraryahanada Costa Rica, waxaana kubada helay Joel Campbell kaasoo kubad gantaal ah shabaqa dhex dhigay iyadoo Muslera uusan dhinac xitaa isku dhaqaajin, waxaana ay aheyd gool aad u fiican.

Xiddiga Arsenal amaahda uga maqnaa Campbell oo u ciyaarayay Olympiakos ayaana goolkaas uu u ahaa goolkiisii ugu horeysay ee uu abid ka dhaliyo Koobka Adduunka.

suares

Afar daqiiqo kama soo wareegan markii Costa Rica ay hogaanka u qabatay ciyaarta iyadoo laad xor ah oo ay soo tureen uu madax si cajiib leh ugu dhaliyay Duarte, iyadoo goolhaye Muslera uu mar kale ka ahaa daawade.

Costa Rica waligood labo gool hal kulan oo Koob Adduun kama dhalin, waana rikoor u gaar ah ka dib goolkii Duarte.

Uruguay ayaana isku dayaysay inay ku soo laabato ciyaarta iyadoo Cavani kubad halis ah laga badbaadiyay, laakiin Costa Rica ayaa ciyaarta dishay iyadoo Urena oo bedel ku soo galay islamarkaana garoonka ku jiray 90 ilbiriqsi uu shabaqa soo taabtay ka dib baas uu ka helay Campbell oo ahaa xiddiga garoonka ee ciyaartii manta.