Breaking News
Home » NEWS » Tottenham Oo Old Trafford Ku Garaacday Man United
Tottenham Oo Old Trafford Ku Garaacday Man United

Tottenham Oo Old Trafford Ku Garaacday Man United

Kooxda Manchester United ayaa guuldarro ku bilaabatay sannadkan 2014 ka dib markii guuldarro 2-1 ay ka soo gaartay Tottenham oo marti ku aheyd Old Trafford.

Kooxda Tottenham ayaana hogaanka ciyaarta ku hormartay qeybtii hore markii karoos uu soo dhigay Christian Eriksen uu madax ku dhaliyay xiddiga reer Togo Emmanuel Adebayor.

Adebayor ayaa ah ciyaaryahanka seddexaad ee Man United seddex kulan oo isku xigta oo Premier League ah oo lagu ciyaarayo Old Trafford gool ka dhaliya ka dib Viduka iyo Hasselbaink.

Waxaana qeybtii hore ee lagu kala nastay 1-0 oo hogaanka ku heysay kooxda martida aheyd ee Tottenham.

Tottenham ayaana hogaanka ciyaarta sii dheereysatay daqiiqadii 66aad ka dib kubad weerar ah uu bilaabay Lennon, iyadoo kubada oo meel ku dhacday ay ku tagtay Eriksen kaasoo madax ku dhaliyay inkastoo Valencia uu raacayay halka De Gea ay si fudud uga fakatay kubada.

Laakiin daqiiqad ka dib United ayaa jawaab ka bixisay iyadoo Welbeck uu ka dhuuntay daafacyada Tottenham waxaana uu kubad ku helay goolhaye Lloris oo uu ka dulqaaday waxaana uu durbadiiba ciyaarta ka dhigay 2-1.

United ayaana cadaadis saareysay Tottenham si ay u helaan goolka barbaraha iyadoo Welbeck uu fursad halis ah ka qasaariyay markii uu lugta la waayay kubada isagoo goolka hortiisa jooga.

Lennon ayaa isna markiisa daqiiqadii 83aad kubad la dhexmaray daafacyada Man United, laakiin darbadiisii ugu danbeysay ee goolka ayaa aheyd mid daciif ah taasoo keentay in De Gea uu gacmaha la helo.

Goolhaye Lloris ayaana labo fursadood oo isku xigta ka badbaadiyay Man United oo midi ay ka timid Rooney, halka Lennon uu kubad ka bixiyay xariiqda goosha iyadoo United ay cadaadis saareysay Spurs.

Waxaana ay ciyaarta ku dhamaatay 2-1 oo ay ku badisay Tottenham kuwaasoo Man United ka kor maray iyagoo soo galay kaalinta lixaad islamarkaana leh 37 dhibcood, halka United oo 2014 ku bilaabatay guuldarro ay u dhacday kaalinta 7aad iyagoo leh 34 dhibcood waxaana ay 11 dhibcood ka danbeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Arsenal.

Waa xilli ciyaareedkii labaad oo isku xigta oo Tottenham ay ku garaacdo Manchester United garoonkeeda Old Trafford.