Breaking News
Home » NEWS » Tarsan: Gurigii la dhisan waayo Dowladaa la wareegeeyso miskiin ilaah u maqan!
Tarsan: Gurigii la dhisan waayo Dowladaa la wareegeeyso miskiin ilaah u maqan!

Tarsan: Gurigii la dhisan waayo Dowladaa la wareegeeyso miskiin ilaah u maqan!

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa u dhaqmo sidi Dowlad Goboleed, qorshaha gobolka uu sameeynaayo kalama tashado Wasarada Arimada Gudaha, iyadoo dhoor jeer ay isku dhacreyn wasiira Arimaha Gudaha.

Tarzan ayaa leh awood ka badan tan Wasaarada Arimaha Gudaha, taas oo dad badani oo siyaasada u dhuundheer ay sheegayaan in Tarzan uu xiriir toos ah la leeyahay Dowlada daneeyo Soomaaliya, taas oo keentey in dhoor jeer isku dayeeyn Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Madaxweynaha in ay ka qadaan jagada Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Tarzan ayaa ah nin ganacsi kula jira Siyaasiin u dhashey Dowlada Turkiga, isagoo ;ataliye u ah nin cadaan ah oo bare ka ah Jaamacad ku taal Dalka Afgaanistaan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Tarzan ayaa horey ku dhawaaqey in ” Gurigii lagu arko qof ka tirsan Alshabaab in uu degan yahay ay Ciidamada Gobolka Banaadir ay la wareegayaan !

Sidoo kale setimaankii la soo dhafey ayuu hadana ku dhawaaqey in “Dadka iska leh guryaha laamiga saaran ay dhistaan ama lagala wareegi doono hadii aysan dhisan”

Su’aashu waxey tahay Mr Tarzan ma yahay nin shacabka muqdisho oo diifta ka muuqato heeysan lacag ay guryahooda ku dhismaan in sidaas loogu hanjabo ama la doonaayo in lagu barakiciyo.

Wadamada dunida. qaasatan wadamada Africa kama jirto in qof gurigiisa lagu qasbo in uu dhismo hadii uusan awoodin, maxey tahay sababata Tarsan xooga ugu sheeganaayo dadka rafaadshey dagaaladii sukeeye ee Gobolka.

Waxaa jira howlo badan oo Gobolka u baahan yahay in uu shacabka u qabto, waxaana ka mid ah in Iskuulada, dhismayaashii Wasaaradaha, Safaaradaha oo weli la dhex degan yhaay in laga saaro dadka degan mise dadkaas waa dad la ogyahay oo madaxda ku tiirsan.

Isku soo duub dhibaatada ka jirta Gobolka ayaa ah in l bedelo Tarzan lana magacaabo nin shacabka u turaayo isku keeni karo isla markaasna ilaah ka baqaayo.

Cabdiqani Warsame

Muqdisho