Breaking News
Home » NEWS » GoogleMap oo xamar soo gaarey iyadoo la isku heeysta magac bixinta Jidadka & Xaafadaha
GoogleMap oo xamar soo gaarey iyadoo la isku heeysta magac bixinta Jidadka & Xaafadaha

GoogleMap oo xamar soo gaarey iyadoo la isku heeysta magac bixinta Jidadka & Xaafadaha

Maamulka Gobolka Banaadir oo isku dayey in Magaalada bilicdeeda soo celiyo ayaa iminka sii wada horumarinta gobolka xaga isgaarsiinta iyadoo maamulka goboka Banaadir uu ka boodey waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee magaalo yeelato oo ah

1) Nabada oo gobolka weli helin booliis soo celiyo amaanka, wareega xaafadaha, halka aad arkeeysid wiilal macaawiis wato oo xaafadaha wareegaya oo aadan kala garaneeynin in uu yahay ciidan Dowlada iyo inkle.

2) Iskuulada caruurta aado oo ila iminka aysan jirin Iskuulo Dowladeed halka magaalada ay caruurta loo dirsado iskuulo hay’adood ama shaqsi leeyahay.

3) Dhanka caafimaadka oo ah tiir muhiim ah ilaa hada ay si toos ah u shaqeeynin Isbitaaladii hore waloo qaar ay shaqeeyaan, balse dadka aysan haqab tirin oo qofkii xanuunsado uu daawo u doonto isbitaalda goonida loo leeyhay.

4) Dhismaha:.Guryaha Dowlada sida dhismaha ugu muhiimsan ee dalka oo ah Wasaarada Arimaha Gudaha oo weli qaawan, iyadoo dhismayaal kale oo wasaaradaha ay weli dhex degan yihiin Qaooti iyo dad rayid ah, halka Maamulka uu xoog saarey in la dumiyo guryaha shacabka dhibaateeysan ay dib u dhismeeyn malaha ay mitir ama wax ka yar jidka soo galeeyn oo dumis agu bilaabay, halka kuwa aan dhisneeyn maamulka u qabtey 3 bilood iney ku dhistaan ama lala wareego.

5) Isgaarsiinta:. Isgaarsiinta oo weli gacanta ugu jirto dad ganacsato ah iyadoo Maamulka Gobolka aysan qabin isgaarsiin qaas ah oo tani ay tahay in isgaarsiinta Dowlada Gobolka ay dayacan tahay ay Maamulka hada damacsan yihiin in GoogleMap ay qarash ku bixiyaan ama hay’ado ajnabi u fasaxaan iyadoo aan xeerar ka sameeynin sida laga yeeli lahaa hadii qalad dhaco.

6) Hantida ay dowladaha bixin sida dhulka Xeebaha, ay Maamulka si xooli ah u bixiyeen dhulal noocaas ah inta ay soo celin laheed dhulalka aan sharci la’aanta ah ama kuwa muranka kataagan

7) Maamulka Gobolka Banaadir oo Dastuurka ku cadeeyn inuu maamul goboleed ama gobol uu yahay iyadoo gobolada dalka iyo Maamul Goboleedyada ay sameeysteeyn Dastuur u qaasa halka maamulka gobolka uu damacsan yahay in GoogleMap uuu sameeyo.

Ugu dambeeyn waxa la yaab leh in sharciyo dadka lagu qaado halka dastuurka uu sheegaayo in Magaalo madaxda sharci gooni ah loo sameeynaayo, oo maxaa lagu xukumaa hada Shacabka Gobolka,?

Aqristoo waa arin yaab leh balse u taal shacabka degan Magaalada Muqdisho in ay ka tashadaan aayahooda, maadaama ay dowlada si cad u sheegtey in Xeerar u gooni ah loo sameeynaayo

 

Qore Cabdigani Yuusuf

Muqdisho soomaaliya