Breaking News
Home » NEWS » Real Madrid oo ku guuleeysatey koobkii ciyaarihii saaxiibtinimada
Real Madrid oo ku guuleeysatey koobkii ciyaarihii saaxiibtinimada

Real Madrid oo ku guuleeysatey koobkii ciyaarihii saaxiibtinimada

Madrid Oo Guul Weyn Ay Ka Gaartay Inter Milan Ku Soo Xirtay Ciyaaraheeda Saaxiibtinimo Ee Xagaaga.

Real Madrid ayaa ayaa guul ku soo gabagabeysay ciyaaraheeda fasaxa xagaaga ka dib markii ay guul raaxo ah oo 3-0 ah ka gaareen kooxda Inter Milan ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday dalka Mareykanka.

Kaka ayaa daqiiqadii 10aad hogaanka u dhiibay kooxda Los Blancos ka dib markii kubad darbo fiican oo uu ka soo bixiyay goolhayaha Inter uu madax kula celiyay islamarkaana kubada shabaqa cusjiyay.

Waxaa Real Madrid u labeeyay xiddigooda Cristiano Ronaldo kaasoo kubad loo soo dhigay islamarkiiba kula sii qabtay.

Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda Los Blancos.

Qeybtii labaad ayaana Real Madrid ay hogaanka sii dheereysatay markii kooner ay soo tuureen uu madax isaga dhaliyay Ricky Alvarez.

Inter Milan ayaana ku guuldareysatay inay shabaqa ka soo taabtaan kooxda Real Madrid, kuwaasoo ku badiyay 3-0 islamarkaana guul ku soo xiray ciyaarahooda saaxiibtinimo ee xagaagan oo marna aan dhinaca dhulka loo dhigin..

Waxa ay isku diyaarin doonaan kulanka furitaanka ee horyaalka La Liga oo ay la ciyaari doonaan Real Betis.

Inter Milan ayaa iyadana qaab ciyaareed xun ku jirta xagaagan iyadoo kaliya rigoore kaga badisay Juve xagaagan oo dhan kulamadii saaxiibtinimo ee ay ciyaareen.

Inter 0-3 Real Madrid

Inter: Handanovic (Carrizo 65); Campagnaro, Ranocchia (Andreolli 82), Juan Jesus; Jonathan (Nagatomo 74), Cambiasso (Duncan 82), Kuzmanovic (Alvarez 59), Olsen (Mbaye 88), Pereira; Guarin (Belfodil 74); Palacio (Icardi 65)

Real Madrid: Diego Lopez; Carvajal, Nacho (Casado 80), Sergio Ramos (Mateos 68), Arbeloa (Pepe 46); Casemiro, Modric (Khedira 46); Cristiano Ronaldo (Jese Rodriguez 46), Kaka, Di Maria; Morata