Breaking News
Home » NEWS » Ximin iyo Xeeb oo balaarineyso Caafimaadka
Ximin iyo Xeeb oo balaarineyso Caafimaadka

Ximin iyo Xeeb oo balaarineyso Caafimaadka

Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa maanta sheegay inuu tayaynayo xarumaha caafimaad ee ku yaala deegaannada uu ka taliyo.

Madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb Cabdullaahi Cali Maxamed oo maanta kormeeray qaar ka tirsan xarumaha caafimaad ee ku yaalla deegaanada uu ka taliyo ayaa sheegay inay jirto baahi ku aadan in layska kaashado tayaynta goobaha caafimaadka.

Cali Maxamed ayaa tilmaamay inuu soo arkay bukaanno badan oo ka yimid deegaanno kala duwan oo lagu dawaynayo isbitaallada, kuwaasoo u baahan inay helaan daryeel tayo leh.

Wuxuu ka codsaday dowladda Soomaaliya iyo jaaliyadda dibadda inay gacan ka gaystaan qorshaha ay doonayaan inay ku tayeeyaan xarumaha caafimaadka ee deegaanada uu ka taliyo maamulka Ximin iyo Xeeb.