Breaking News
Home » NEWS » JOSE MOURINHO OO DIB UGU SOO LAABTEY CHELSEA
JOSE MOURINHO OO DIB UGU SOO LAABTEY CHELSEA

JOSE MOURINHO OO DIB UGU SOO LAABTEY CHELSEA

Wargeyska The Sun ayaa sheegaya in tababare Jose Mourinho uu si rasmi ah qalinka ugu duugay heshiis afar sanno ah oo uu wadar ahaan Chelsea kaga qaadan doono 40 milyan ginni habeenkii talaadada.

wargeyska The Sun ayaa yiri: “Waa rasmi Jose waa nin Chelsea ah mar kale. Qof walba waa uu ku faraxsan yahay inuu soo laabanayo, kooxda, ciyaartoyda iyo taageerayaasha waa ay ku faraxsan yihiin.

“Waxaan durbaba indhaha ku heynaa xilli ciyaareedka soo socda, waan hubnaa inuu noqon doono mid xiiso leh.”

Warkaan oo ay baahisay si gaar ah maanta jariirada The Sun ayaa iyadana waxa ay leedahay:

“The Sun waxa ay si gaar ah idinkugu sheegtay 3dii bishi May in macalinka Madrid Mourinho inuu ku soo laabanyo Bridge.

“Waxaana haatan shaacin karnaa in Mourinho uu ugu danbeyn qalinka ku duugay heshiiska labadii maalmood uu London joogay isbuucaan.”