Breaking News
Home » NEWS » Ciyaaraha koobka Qaramada Afrika 2013 oo maanta ka furmaya S/Africa
Ciyaaraha koobka Qaramada Afrika 2013 oo maanta ka furmaya S/Africa

Ciyaaraha koobka Qaramada Afrika 2013 oo maanta ka furmaya S/Africa

Koonfur Africa waxaa maanta ka furmaya ciyaaraha koobka Qaramada Afrika 2013 waxaana inta aysan bilaaban ciyaarta ugu soo horeysa ee dalka Marti gelinaya lagu furayo dhici doona fantasiyo ay sameynayaan dadka fanaaninta reer Koonfur Africa iyagoo soo bandhigi doona dalkaas dhaqanada uu caanka ku yahay.

10 xul ee sanadkan ka qeybgalaya koobka Africa oo 16 dal ay isugu tagayaan ayaa waxaa ay ku guuleysteen koobkan Ciyaarta soo horeysa waxaa Ciyaaraya xulka South Afrika iyo Cape Verde Islands Saacada marka ay tahay 7:00 Maqribnimo.

Ciyaarta Labaadna waxaa ku kulmayay dalalka Angola iyo Morocco Saacada Marka ay tahay 10:00 habeenimo Waa Koobkii 29 aad ee La qabto waxaana uu dhamaanaayaa  koobkan 10 February.

Kulumada Maanta.

GROUP A: South Africa v Cape Verde, Angola v Morocco (Sabti)