Breaking News
Home » NEWS » Warar dheeraad oo ku saabsan Duqeeymihii maanta loo geestey Magaalada Kismaayo
Warar dheeraad oo ku saabsan Duqeeymihii maanta loo geestey Magaalada Kismaayo

Warar dheeraad oo ku saabsan Duqeeymihii maanta loo geestey Magaalada Kismaayo

Wararkii ugu dambeeyey naga soo gaaraaya magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaaya in xaaladda magaalada ay tahay mid aad u adag, waxaana ka jirta cabsi daran oo soo foodsaartay dadka deegaanka.

Magaalada saaka waxaa ka dhacay duqayn ay geysteen maraakiib dagaal oo kamid ah kuwa kusugan xeebaha Soomaaliya.

Duqayntaasi ma geysan wax khasaare ah laakiin khal khal daran ayaa laga dareemay magaalada Kismaayo, madaafiicda oo ah kuwa aa u xoogh badan ayaa waxay kusoo dhaceen hareeraha magaalada.

Wararkii ugu dambeeyey ee hadda naga soo gaaraaya magaalada Muqdisho ayaa soo sheegaaya in diyaararado dagaal ay dul heehaabaayaan magaalada.

Ugu yaraan afar diyaaradood oo nooca dagaalka ah ayaa dul heehaabaaya magaalada waxaana ka taagan cabsi aad u xooggan oo soo wajahday dadka deegaanka.

Magalaada waxaa laga cabsi qabaa in uu dagaal ka qarxo, inkastoo AMISOM ay sheegtay in uu dib u dhacay qorshahii ay ku weerari lahaayeen Kismaayo hadana xaaladda guud ayaa ah mid dagaal iyo jawi aad u kacsan ah.

Ciidamada Dowladda oo taageero ka helaaya kuwaKenyaayaa ku dhow magaalada waxayna kaga wajahan yihiin saddex aag ookanugu dhow ay u jiraan 80-KM.

Shabaab magaalada maamulaa waxay dadka deegaanka u diideen in ay magaalada ka barakacaan, waxayna rabaan in ay dagaalka la galaan, gudaha magaalada waxaa lagu arkaayey gawaari lagu soo xirau cod baahieyaal waxaana dadka deegaanka loogu baaqay in ay dagaalka galaan.

Sikastaba xaaladda magaalada Kismaayo ayaa kacsan lamana oga meesha ay ku dambeyn doonto iyo cidda usoo hari doonta magaalada.