Breaking News
Home » NEWS » Orodyahanka Mo Farah oo ku guuleeystey Orodka 10,000 meter
Orodyahanka Mo Farah oo ku guuleeystey Orodka 10,000 meter

Orodyahanka Mo Farah oo ku guuleeystey Orodka 10,000 meter

Mo Farah oo u ordayay Britain ayaa wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay oo Biritish ah oo ku guuleystay billadda dahabka ah ee lagu helo orodka 10,000 mitir.

Guusha Mo Farah ayaa waxay tahay mid taariikhi ah oo weliba u si gaar ah taariikh ugu ah Britain iyo guud ahaan Caalamka. Sidoo kale guusha Mo Farah ayaa waxay farxad iyo maamuus u tahay dadka Soomaaliyeed ee walba oo ay dunida ka joogaan.

Mo Farah oo intii orodkan billowdayba meel dhexe kaga jiray tartanka ayaa wuxuu soo tiigsaday hoggaanka markii ay tartanka ka harsan 450 mitir kaliya, wuxuuna u awood sheegtay dhammaanba orodyahannadii kale ee la tartamayay, kuwaasi oo iyagu isu heystay in ay ku guuleysteen tartanka.

Markii uu soo gebageboobay tartanka orodka 10000 ayaa waxaa Mo Farah ku soo xoomay saxafiyiintii garoonka oo sawirro tiro badan ka qaatay, sidoo kale waxaa gudaha u soo galay halkii uu ku dabaal-degayay Xaaskiisa Tania oo iyadu xaamilo ah iyo gabadhooda Rihanna, kuwaasi oo damaashaadka la wadaagay.

Mo Farah oo ku dhashay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya  waxaa uu dalka Britain tegay isagoo 8 sano jir ah kaddib markii ay dagaallada sokeeye ka billowdeen dalka Soomaaliya, kaddibna wuxuu ka faa’iideystay fursadihii uu ka helay Britain.

Mo Farah ma rabin in uu orodyahan noqdo, bedelkeedna wuxuu jeclaa in uu noqdo ciyaaryahan dhinaca Kubadda Cagta ah, laakin riyadaas ma rumoobin oo waxaa uu u rumowday tan orodka ee uu caawa u dabaal-degayo guusheeda.



Sala