Breaking News
Home » NEWS » Breaking News: Muran Xooggan Oo hareeyay qaybsiga Kuraasta Baarlamanka ee Beesha Mudulood
Breaking News: Muran Xooggan Oo hareeyay qaybsiga Kuraasta Baarlamanka ee Beesha Mudulood

Breaking News: Muran Xooggan Oo hareeyay qaybsiga Kuraasta Baarlamanka ee Beesha Mudulood

Sida la doonaayo in lagu qeeybiyo beesha mudulood ayaa ah sidan

Beesha Harti waxay Heshay 3-Xubnood,

Beesha Wacbuudhan waxay heshay 3-Xubnood,

Beesha Waceysle waxay heshay 3-Xubnood,

Beesha Ciise Mudulood waxay Heshay 3-xubnood,

Beesha Moobleen Cismaan waxay Heshay 1-Xubin,

Beesha Wacdaan 1-Xubin,

Beesha Hilibi 1-Xubin.

Xubinta hartay ayaa wali aan la siin cidna, iyadoo beel waliba oo heshay 3-Xubnood laga doonayo inay hal Xubin oo ka mid ah ka dhigaan Qof Dumar ah si xaquuqdii Haweenka Meesha uga soo baxdo 30% oo laga siiyey Kuraasta Baarlamanka Cusub ee Soomaaliya.

Beelaha Wacbuudhan & H/Abgaal oo ku gacanseerey qaybsiga Kuraasta Baarlamanka ee Beesha Mudulood, ayagoo sheegey iney macquul aheeyn in ay beesha ciise Mudulood ay isku saani noqdaan beelaha Wacbuudhan ama H/Abgaal ayagoo sheegey in dhalasho ahaan ama tiro ahaan la siman yihiin Beelaha Abgaal la dhashey sida Wacdaan, Moobleeyn iyo Hilibi, kuwaas oo hal min xubin qaateey

Arintaan ayaa Magaalada Muqdisho dadka ka soo jeeda Beesha Abgaal ay aad uga caroodeeyn, anigoo wax ka weediyey qar ka mid ah dadka ka soo jeeda Beesha Abgaal ayaa sheegey in Arintaan uu ka dambeeyo ninka ka taliya Magaalada Muqdisho oo saaxiibka dhow la ah Madaxweyne Shariif Gudoomiye Tarzan.

Mid kale ayaa sheegey in Soomaali aysan Dowlad rabin markaan weydiiyey sababta uuii sheegey in xaqdaro dhibaatadeeda aan soo arganey hadii si xaq ah wax loo qeeybsan ay keeni doonto dagaal sukeeye.

Ugu danbeyntii waxay ku soo aadaysaa arrintani xili muran iyo is qabqabsi xoogan uu wali ka jiro qaabka loo soo xulayo Baarlamanka cusub ee Soomaaliya, iyadoo  Beelaha Mudulood Hiraab kaliya aysan ahayn beelaha muranka iyo is jiid jiidka uu ka jiro, waxaa kale oo jira beelo badan oo isku haya xubnihii ay ka heleen Baarlamanka sidii ay ku qeybsan lahaayeen, xili dhanka kalena ay jirto faragelin la sheegay in Madaxda Dowladda KMG Soomaaliya ay ku hayaan soo xulida Baarlamanka iyo habka Beelaha Sooamalida loogu qeybinayo oo ay doonayaan inay lug ku yeeshaan si ay ugu sahlanaato xubin waliba in doorashada soo socota ee Madaxtinimada codad ku helo.