Breaking News
Home » NEWS » Ciyaaraha Olypikada oo furmeeyn & Cabdi Bili oo lagu casuumey ma soo xaadirin “Daawo”
Ciyaaraha Olypikada oo furmeeyn & Cabdi Bili oo lagu casuumey ma soo xaadirin “Daawo”

Ciyaaraha Olypikada oo furmeeyn & Cabdi Bili oo lagu casuumey ma soo xaadirin “Daawo”

Daqiiqada ka hor ayaa la furey Ciyaaraha Olypikada Aduunka oo lagu qabanaayo Magaalada London ee Wadanka Ingiriiska.


Daqiiqado ka hor ayaa waxaa soo marey Ciyaartooydii ka socotey Wadanka Soomaaluya iyadoo  Calanka u siday Somaliya Gabadha tartanka Orodada ka qeybgalaysa ee Zamsam Maxamed Faarax iyadoo qorshuhu uu aha inuu Calanka kor u qaado Ordaagii hore ee Somaliyeed Cabdi Bile Cabdi islamarkaana uu ballan qaaday balse uu ka baaqday.

Lama Oga sababta keentay in Cabdi Bile uu ka baaqdo kor u qaadida Calanka Soomaaliyeed maadaama uu horey u sheegay inuu yahay qofka qaadi doona Calanka Soomaaliya mar uu u waramayay VOA-da laanta Somaliga dhowaan isagoo sheegay in Gudiga Olompicada ay ka codsadeen uu ka ballan qaaday.
Magaalada London ayaa si weyn ugu diyaargarowday marti-galinta ciyaarahan, ilaa 36 kun oo isugu jiri askar, boolis iyo xubno kale oo amniga ka shaqeeya ayaa u xilsaaran amniga guud ahaa inta ay socdaan ciyaaraha olombikada.
Ku dhawaad 80,000 oo qof oo ay ku jirto boqorada dalkaas Queen iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay ciyaarahan, ayaa ka qeybgali doona furitaanka ciyaarahan, ciyaarahan waxa ka qeybgalaya in ka badan 10,000 oo ciyaaraha athletes oo ka socda 204 wadan.

Dowladda Britain waxa ay sheegtay in ciyaarahan lagu qarash gareeyay ilaa 9-bilyan oo lacagta giniga Engiriiska, laakin ra’iisal wasaare David Cameron, oo shalay booqday tuulada ciyaaraha Olombikada ee ku taala bariga London, wuxuu sheegay in ay fursad u tahay in taagan xarunta lagu qabanayo ciyaaraha Caalamiga.

 








Gudiga Afdhaarka Kala Xiriir Lambaradaan Si Aad Wax Ugu Hormarsatid Aakhiradaada
1-Nuur dheere GudoomiyeTell: +25261-5593718
2-Eney fadhi yareTell: +25261-5105237
3- Mad Sariif EdinTell: +25161-5593110
4-cabduqaadir xasan gedow
5-Bashiir XabashowTell: +25261-5590121
Acoun-kaGudiga Afurinta kala aad wax ugu diri kartid waa Xawaalada BAKAAL

0016bay bakaal.
Ama Emailka ah:- ilbiyow@live.com


COMMENTS (0)
No Comments Available


ADD YOUR COMMENT
Name :
Email :
Comment :
Virivication Code :
Reset