Breaking News
Home » NEWS » Fanaanada Saado Cal Warsame oo markii ugu horeeysey ka hadashey Shilkii ay gashey
Fanaanada Saado Cal Warsame oo markii ugu horeeysey ka hadashey Shilkii ay gashey

Fanaanada Saado Cal Warsame oo markii ugu horeeysey ka hadashey Shilkii ay gashey

Fanaanada Somaaliyeed ee caanka ah Saado Cali Warsame oo shalay ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Garowe ayaa maanta ka baxday Isbitaalka magaaladaas ka dib dib markii xaaladeeda caafimaad ay soo hagaagtay.

Fanaanada oo magaalada Garowe kula hadashay qaar ka mid ah warbaainta ka howlgasha Puntland ayaa sheegtay in xaaladeeda caafimaad ay soo hagaageyso, isla markaana ay ka badbaaday shil naxdin badan oo ay shalay ku gashay magaalada Garowe duleedkeeda.

“Shil baan galay qof kasta waa dhimanaya maalintiisa, ILAAHAY waa iga badbaadiyey shilkaas inta ku dhimatayna ILAAHAY ha u naxariisto, waxaana u mahad celinayaa intii ka qeyb qaadatay gurmadka na loo sameeyey sida maamulka Puntland, dhaqaatiirta isbitaalka Garowe iyo dadweynaha magaaladaas oo dedaal badan muujiyey” ayey intaa ku dartay Fanaanada.

Dhinaca kale Fanaanada Saado Cali Warsame ayaa sheegtay iney ku faraxsan tahay 20 sano ka dib iney soo booqato dalkeeda, shilkana uu ahaa mid qoran, iyadoo xustay iney ka mid tahay ergooyinka loo soo xulay iney ansixiyaan dastuurka cusub ee dalka ayna tegi doonto magaalada Muqdisho iyadoo shacabka soomaaliyeed ugu baaqday ineysan ka welwelin xaaladeeda, una rajeysay guul iyo gobanimo.

Saado Cali Warsame oo gacanteeda midig loo kabay ka dib markii ay uga jabtay shilkii shalay ayaa waxaa la dejiyey guri loogu talo galay oo ku yaala magaalada Garoowe halkaasoo ay ku booqdeen masuuliyin ay ka mid ahaayeen madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole, wasiirka haweenka Puntland Caasho Geelle Diiriye iyo qeybaha kala duwan ee bulshada halkaas ku dhaqan.

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka maamulka Puntland Maxamed Xirsi Ducaale ayaa sheegay in fanaanada laga saaray isbitaalka ka dib markii dhaqaatiirtu ay sheegeen in xaaladeeda caafimaad ay wanaagsan tahay aysana u baahneyn iney isbitaalka ku sii jirto, wuxuuna xusay in xalay oo dhan isaga iyo madax kale ay joogeen isbitaalka si ay xaalada ula socdaan, wuxuuna u mahad celiyey dhaqaatiirka isbitaalka Garowe oo uu xusay iney dedaal muujiyeen.

Dhinaca kale weriye labaad oo ka mid ahaa dadkii la socday fanaanada Saado Cali Warsame laguna magacaabi jiray Jaamac Maxamed Nuur ayaa xalay saqdii dhexe ugu geeriyooday isbitaalka Garoowe dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray shilkii shalay dhacay, waxaana isaga iyo weriye kale oo ku geeriyooday goobta uu shilku ku dhacay magaciisana la oran jiray Maxamed Cali Cilmi saaka lagu wada aasay qabuure ku yaala magaalada Garowe.